Madaxweynaha Napoli Ee Aurelio De Laurentii Oo Sharaxaad Ka Bixiyay Waxa Uu Kala Jeeday Hadalkii Muranka Dhaliyay Ee Uu Ku Duray Heshiiskii Juventus Kula Soo Wareegtay Ronaldo.

Madaxweynaha kooxda Napoli ee  Aurelio De Laurentiis ayaa wareysi uu shalay oo Isniin ahayd siiyay wargeyska “Corriere dello Sport” ee dalka Talyaaniga waxa uu kooxda Juventus ugs digay talaabadii ay kula soo saxiixdeen Cristiano Ronaldo.

Aurelio De Laurentiis ayaa sheegay inuu aamisan yahay in kooxda reer Talyaani ee Juventus ay lasoo saxiixatay xidig ku guda jira gaba gabada xirfadiisa ciyaareed ee kubada cagta, isagoo si xoogan u dhaliilay inuusan u uqalmin lacagaha bianconeri kula soo saxiixatay Cristiano.

Laakiin madaxweynaha kooxda Napoli Aurelio De Laurentiis ayaa maanta ka laabtay hadalkiisii shalay uu kaga hadlay Cristiano Ronaldo, wuxuuna markale sharaxaad ka bixiyay waxyaabo badan ee arintan ku aadan, isagoo in badan qeexay inuusan dooneynin inuu aflagaadeeyo xidiga reer Portugal.

Madaxweynaha kooxda Napoli Aurelio De Laurentiis ayaa wuxuu ugu horeyn sheegay “Qaar ka mid ah dadku waxay diideen hadalkeyga, mana ka hadlin in Cristiano Ronaldo uu yahay xidig dhamaad ah, balse waxaan tilmaamay tayada kooxda Juventus, kaliya waxaan weydiiyay in heshiiska Cristiano uu noqon doono mid ganacsi ah iyo inkale”

Aurelio De Laurentiis ayaa hadalkiisa kusoo xodhay: “Tusaale ahaan, Ibrahimovic wuxuu u muuqday inuu awoodi karo inuu ciyaaro illaa iyo 40 sanno jir, laakiin waa uu dhaawacmay, wuxuuna haatan ka ciyaaraa horyaalka MLS ee dalka Mareykanka”.