Madaxweynaha Kooxda Real Madrid Florentino Perez Oo U Diyaarinaya Aduun Dhan 300-Million-Euro In Uu Kula Soo Saxiixdo Saddex Ciyaaryahan.

Madaxwaynaha kooxda Real Madrid Florentino Perez ayaa qorsheynaya inuu sameeyo saxiixyo muhiim ah kadib marka uu furmo suuqa kala iibsiga ee soo aadan, wuxuuna doonayaa inuu ku bixiyo aduun lacageed gaarsiisan 300 Milyan oo euro, gaar ahaan si uu u sameeyo saxiixyada saddex xidig ku sugan horyaalka Premier League-ga ee dalka England.

Sida laga soo xigtay wargeysyada dalka Spain ayaa waxay shaaciyeen in Florentino Perez uu qorsheenayo in uu lacago badan ku bixiyo si uu u xoojiyo kooxda uu hogaamiyo Zinedine Zidane, kadib markii ay Real Madrid ay xili ciyaareedkan ku dhameesatay iyadoo 15 dhibcood ka hooseysa kooxda Barcelona oo ku guuleysatay koobka La Liga.

Wargeyska “Don Balon” ee dalka Spain ayaa wuxuu sheegay in Florentino Perez uu diirada saari doono sida uu ku heli lahaa saxiixyada xidiga kooxda Tottenham Hotspur Harry Kane, Eden Hazard, lagu daray goolhaayaha kooxda Blues ee Thibaut Courtois.

Sida lagu sheegay warbixinta, madaxwaynaha ayaa u qoondeeyay aduun dhan 300 milyan oo euros si uu seddexda xiddig kaga soo dajiyo kooxda Los Blancos xagaaga soo aadan, warar hoose ayaa waxay sheegayaan in Harry Kane oo kaliya uu ku qiimeesan yahay 200 milyan oo euros.