Madaxweynaha Kooxda Paris-Saint-Germain Nasser Al-Khelaifi Oo Su’aal Ka Keenay Sida Ay Kaga Aamusan Tahay Real Madrid Arimaha Neymar Jr.

Madaxweynaha kooxda Paris-Saint-Germain ee Nasser Al-Khelaifi ayaa shaaca ka qaaday inuusan ku qanacsaneen isku dayada ay Real Madrid ku dooneesay inay kula saxiixato Neymar Jr xiliyadii lasoo dhaafay, isagoo dhinaca kale tilmaamay inuusan xidhiidh wanaagsan la lahayn kooxaha xiriirka lasoo sameeya xidhiidh ciyaartoydiisa iyadoo aanan ka war qabin maamulka kooxda.

Si kastaba Nasser Al-Khelaifi ayaa shaki weyn galiyay daacadnimada kooxda Real Madrid ee ku aadan xiisaha uu u qabto saxiixa Neymar, inkastoo uu qiray inuu ixtiraam buuxa u hayo madaxweynaha Los Blancos Florentino Perez.

Madaxweynaha kooxda Paris-Saint-Germain ee Nasser Al-Khelaifi ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “Marca” ee dalka Spain waxaa su’aal laga weydiiyay xiisaha kooxda Real Madrid ee ku aadan saxiixa Neymar Jr wuxuuna yidhi: “Waa inaan ahaano kuwo caqligal ah, waxay ahayd arin yar ee niyad jab leh, sababtoo ah cadaalad ma ahan in kooxo kale ama qof kale uu la hadlo ciyaartoydeena

Nasser Al-Khelaifi ayaa hadalkiisa intaas kusii daray: “Ma jecleysano qaabkan, waxaan la hadalnay Real Madrid xilligaas, waxaa inoo dhexeeya xidhiidh aad u fiican iyo ixtiraam, waxaan rajeynayaa inaysan run noqonin inaysan la hadlin ciyaaryahan”.

Madaxweynaha kooxda Paris-Saint-Germain ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Waxaan xushmeyneynaa Real Madrid iyo madaxweynaheeda Florentino Perez, laakiin waxaan qabaa in dhamaanteen ay aad muhiim inoogu tahay arintan, ma garanayo hadii aad i fahamsan tahay, laakiin hadii ay wax uun jiraan, waxaa wanaagsan inay wada xidhiidhaan maamulka labada kooxood, si aan u soo bandhigno waxa aan jecel nahay iyo waxa aanan jeclayn, taasi waa waxa aan ka fileyno qof walba, ma ahan kaliya Real Madrid”.