Madaxweynaha Kooxda Juventus Andrea Agnelli Oo Hoos U Dhigay Shaqadii Uu Antonio Conte Kasoo Qabtay Bianconeri, Kadib Markii Uu La Barbar Dhigay Allegri .

Tababaraha ree talyaani ee kooxda Chelsea Antonio Conte ayaa bilaaway inuu ka cadhoodo hadaladii uu jeediyay madaxweynaha kooxdiisii hore ee Juventus Andrea Agnelli, kadib kulankii ay wada yeesheen maalinkii talaadada saamileyda kooxda Juventus.

madaxweynaha kooxdiisii hore ee Juventus Andrea Agnelli oo amaanayay macalinka haatan leyliya kooxda Massimiliano Alegre ayaa wuxuu yidhi: “macalinka wuxuu qabtay shaqo aad u wanaagsan, wuxuu si adag u shaqeeyay xiliyo badan xili in badan ay si qaldan u fikirayeen”.

Chelsea manager Antonio Conte during the UEFA Champions League, Group C match at Stamford Bridge, London. PRESS ASSOCIATION Photo. Picture date: Wednesday October 18, 2017. See PA story SOCCER Chelsea. Photo credit should read: Tim Goode/PA Wire

Hadalada ayaa muujinayay in Juventus aysan diyaar noqon doonin isla markaana ay ka maqnaan doonaan waxyaabo badan kadib bixitaanka Antonio Conte sannadkii 2014, xili uu Bianconeri kula guuleystay saddex jeer ee ah horyaalka Serie A.

Antonio Conte ayaa ka jawaab celiyay hadalada uu sheegay madaxweynaha kooxdiisii hore ee Juventus Andrea Agnelli, kadib markii uu qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook uu ku sheegay; “Noloshu ma joojinayso marka aad dadku barato, mararka qaar waxaad dooneysaa in kaliya aad hesho xoogaa yar ee qadarin ah”.

Massimiliano Alegre ayaa tan iyo markii uu yimid kooxda Bianconeri afar jeer ee ah horyaal Scudetto, wuxuuna noqonayaa farqiga kaliya ee u dhexeeya Agnelli iyo Conte ayaa ah in macalinka haatan leyliya kooxda Juve uu ku hogaamiyay inay soo gaadhaan finalka Champions League tiro laba jeer.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Comments

comments