Madaxweynaha AS Roma Ee James Pallotta Oo Wararka Goolhayaha Kooxdiisa Ee Alisson Becker La Xidhiidhinaya Real Madrid.

Madaxweynaha kooxda AS Roma ee James Pallotta ayaa sheegay inuusan iibin doonin goolhayaha reer Brazil Alisson Becker, kadib marka ay soo baxeen warar ku aadan in ay suuragal noqon karto inuu u dhaqaaqo kooxda ka dhisan caasimada Madrid ee Real Madrid.

25 jirka xulka qaranka Brazil ee Alisson Becker ayaa ku biiray kooxda reer talyaani ee Roma xagaaga 2016, isagoo kaga soo biiray kooxda Inter Milan aduun lacageed dhan 8 milyan oo euros.

Becker ayaa imaatinkiisa kooxda Roma wuxuu noqday goolhaayaha koowaad ee kooxda reer Talyaani iyo xulka qaranka Brazil isagoo ku garaacay booskan saaxiibkiis kooxda Manchester City Ederson.

Saxaafada ayaa ku warameysa in Real Madrid ay ka dhigtay Alisson Becker bar-tilmaameedka koowaad ee suuqa xagaaga soo aadan, si ay u xoojisato dhanka goolka, iyadoo laga deerinayo qaab ciyaareedka goolhaayaha xulka qaranka Costa Rican ee Keylor Navas kulamada qaar, iyadoo ay suurtagal tahay in kulankii ugu dambeeyay uu bandhigiisu liitay uu ahaa kii Juventus ee Champions League.

Hadaba Madaxweynaha kooxda AS Roma ee James Pallotta oo la hadlayay wargeyska Sky Sports ayaa wuxuu yidhi: “Ma xiiseyneyno inaan ka iibino Alisson Becker xili ciyaareedka soo aadan kooxda ay doonto ha noqotee”.

James Pallotta ayaa wuxuu hadalkiisa sii raaciyay: “Markii aan la saxiixanay Alisson Becker, waxaan ogeyn inuu noqon doono ilaaliye weyn mustaqbalka dhow”.

.