Madaxwaynaha Dalka Brazil Oo Ka Hadlay Liiska Ciyaartoyda Xulka Qaranka, Isagoo Kula Dar Dardaarmay In Ay Lasoo Laabtaan Koobka Aduunka Ee 2018.

Madaxwaynaha dalka Brazil Michel Temer ayaa ka hadlay arinta ku saabsan liiska xulka qaranka Brazil, ee ka qeyb gali doona Koobka Aduunka 2018 ee ka dhici doono Russia xagaagan, wuxuuna ka dalbaday ciyaartoydiisa inay soo laabtaan iyagoo xambaarsan koobka aduunka ee 2018.

Hadalka madaxweyne Michel Temer ayaa wuxuu imaanayaa kadib markii dhawaan lagu dhawaaqay liiska ciyaartoyda xulka qaranka Brazil ee ka qeyb gali doona koobka aduunka ee 2018, xulka Seleção ayaana ka mid ah xulalka lala xidhiidhinayo in sanadan ay ku guuleysan karaan koobka aduunka.

Michel Temer ayaa sheegay: “Ka dib markii lagu dhawaaqay magacyada ciyaartoyda ka qeyb gali doono koobka aduunka 2018, waxaan dhihi lahaa Tite iyo ciyaartoydiisa, anigoo ixtiraamayo dhamaanba saaxiibada dalka Russia, fadlan dib ugu soo laabta dalkiina hooyo idinkoo wada koobka”.

Si kastaba liiska uu ku dhawaaqay tababaraha xulka qaranka Brazil ayaanan lagu ariki wax cusub ama layaab ah, gaar ahaan xidiga Neymar, Philippe Coutinho, Gabriel Jesús, iyo sidoo kale Roberto Firmino oo dhamaantood kusoo wada baxay.

Si kastaba ha ahaatee, ciyaartoyda ugu caansan adduunka ee ka maqan dhacdada Russia ayaa ka mid ah daafaca midig Danny Alves, kaasoo dhaawac halis ah soo gaaray jilibka midig, waxayna ka dhigtay inuu ka maqnaan doono Koobka Aduunka ee bisha soo aadan ka furmi doono Russia.