Madaxda Barcelona Iyo Wakiilka Philippe Coutinho Ee Philippe Coutinho Oo Maanta Kulan Ku Yeeshay Camp Nou.

Madaxda kooxda Barcelona, iyo wakiilka Philippe Coutinho ee Kia Joorabchian ayaa maanta kulan ku yeeshay Camp Nou waxayna ka wada hadleen mustaqbalka xidiga reer Brazil iyo kooxaha xiisaynaya.

Wakiilka Coutinho ee Kia Joorabchian ayaa sidoo kale wakiil u ah goolhayaha ay Barcelona saxaafada u soo bandhigtay ee Neto kaas oo ay Valencia kala soo wareegeen. Bandhigii goolhaye Neto ee Barcelona ayaa isku keenay dhinacyada Barcelona iyo wakiilka Coutinho.

Sababta ugu wayn ee uu markii hore wakiilka Coutinho ee Kia Joorabchian uga soo qayb galay xafladii bandhiga ee goolhaye Neto ee Barcelona ayaa ahayd in uu sidoo kale wakiil u yahay Neto balse dhinacyada ayaa waqtiga uga faa’iidaystay mid ay arinta Coutinho uga hadlaan.

Lataliyaha kooxda Barcelona ee South America u qaabilsan ee Andre Cury ayaa maanta goob joog u ahaa bandhigii Barcelona ee goolhaye Neto kaas oo uu sidoo kale door ku lahaa in uu doortay in Camp Nou uu kula tartamo Ter Stegen.

Lataliyaha Barceloan ee Andre Cury, wakiilka Coutinho ee Kia Joorabchian iyo maamulka Barcelona ayaa maanta ka wada hadlay xiisaha ay PSG u hayso xidiga reer Brazil iyo in ay Barca doonayso sidii uu qayb uga noqon lahaa heshiiska Neymar Jr.

Wargayska Sport ayaa sheegay in maamulka Barcelona ay wakiilka Coutinho u sheegeen in PSG aad u xiisaynayso Coutinho balse waxaa xogtan lagu cadeeyay in wakiilada Coutinho ay maamulka Barcelona u cadeeyay in Coutinho uu ku faraxsan yahay joogtiaanka Camp Nou.

Laakiin wakiilada Coutinho ayaan albaabka ka xidhin suurtogalnimada uu Coutinho ku bixi karo iyada oo Barcelona doonaysa in xiisaha PSG ay uga faa’iidaystaan in ay Neymar Jr ku soo ceshadaan.

Philippe Coutinho ayaa todobaadkan bilawday fasaxa xagaagan kadib markii uu xulkiisa Brazil ka caawiyay ku guulaysiga Copa America waxaana la filayaa in waqtiga uu fasaxa ku maqan yahay go’aan laga gaadhi doono mustaqbalkiisa.