Madaxa Man United Ee Ed Woodward Oo Diyaariyay Qorshaha Afarta Goobood Ee Uu Kooxdiisa United Ka Soo Xoojinayo Dhamaadka Xili Ciyaareedkan Iyo Bartilmaameedka Uu Shaqadiisa Ku Badbaadinayo.

Gudoomiye ku xigeenka Manchester United ee Ed Woodward ayaa cadaadis wayn ka dareemaya in sanadihii ugu danbeeyay uu ku soo fashilmay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda isla markaana lagu eedaynayo in uu doorka ugu wayn ka yahay in United ayna qayb ka ahayn tartanka koobka Premier League.

Bishii malabka ee Ole Gunnar Solskjaer ee kooxda Manchester United ayaa soo dhamaatay kadib markii ay guul bahdilaad ah Old Trafford kagala kulmeen PSG kulankii Champions league waxaana Ed Woodward sugaysa shaqo badan oo ah go’aaminta tababaraha rasmiga ah ee kooxda qaban doona iyo waliba saxiixyada heerka kooxda sare loogu soo qaadi karo.

Ilaa hadda waxaa shaki la galinayaa suurtogalnimada uu Ole Gunnar Solskjaer ku qaban karo shaqada Man United ee si rasmi ah loogu magacaabi karo gaar ahaan kadib guuldaradii PSG waxaana jira kulamo kale oo sii go’aamin doona fursada uu u haysto in shaqada si rasmi ah loogu magacaabi karo.

SIDOO KALE AKHRISO:  Liverpool Oo Anfield Ku Xasuuqday Kooxda Norwich City Iyo Reds Oo Heshay Bilaabashadii Ay Doonaysay.

Laakiin wargayska Daily Mirror ayaa soo bandhigay qorshaha Ed Woodward uu ka leeyahay suuqa xagaaga ee furmi doona dhawr bilood kadib wuxuuna diyaar u yahay in uu afar goobood ka soo xoojiyo kooxdiisa United kuwaas oo kala ah difaaca dhexe, difaacyada midig iyo bidix iyo waliba khadka dhexe.

Daily Mirror ayaa qoray in Ed Woodward uu doonayo sidii uu ula soo saxiixan lahaa difaac dhexe oo xaalada kooxdiisa wax ka badali kara waxaana la filayaa in uu noqon doono difaaca kooxda Napoli ee Kalidou Koulibaly kaas oo 90 milyan gini lagu qiimaynayo.

Waxa kale oo uu Ed Woodward doonayaa in uu kooxdiisa keeno  Lucas Hernandez kaas oo awood u leh in uu kawada ciyaari karo difaacyada midig iyo bidix hadba kii looga baahdo taas oo Red Devils siin karta fursad ay xal ugu helaan difaac danbeedyadooda.

SIDOO KALE AKHRISO:  Man United Oo Ku Dayaneysa Liverpool Iyo Man United Iyagoo Ku Qasbay De Gea Inuu Tababar Gooni Ah Sameeyo

Waxa kale oo warbixintan lagu sheegay in Man United ay badalka Antonio Valencia u aragto Nikola Milenkovic oo kooxda Fiorentina ka tirsan isla markaana qiimo hoose lagu heli karo.

Waxa kale oo uu Ed Woodward wali doonayaa in uu Juventus kala soo wareego xidiga reer Brazil ee Douglas Costa laakiin qorshaha uu hadda dhigtay waxaa saamayn ku yeelan kara laba arimood oo kala ah :

1- Tababaraha rasmiga ah ee Old Trafford la wareegi doona.

2- Haddii ay Man United magacaabi doonto agaasime ciyaareed oo qorshe cusub samayn kara.

Kadib guuldaradii PSG, Manchester United ayaa mari doonta imtixaano kale oo adag waxayna marka hore la ciyaari doonaan Chelsea ee kulanka FA Cupka waxayna kadib Old Trafford ku qaabili doonaan kooxda Premier league sida xoogan ugu tartamaysa ee Liverpool.