Madaxa Kooxda Arsenal Ee Raul Sanllehi Oo Ka Hadlay Dhaawacii Danny Welbeck Iyo Haddii Ay Xiddigo Bedel U Noqda Suuqa Kala Soo Saxeexan Doonaan Bisha January.

Madaxa kubadda cagta ee kooxda Arsenal ee Raul Sanllehi ayaa ka hadlay dhaawacii darnaa ee dhawaan soo gaadhay weeraryahanka kooxdooda ee Danny Welbeck iyo haddii ay xiddigo bedel u noqday suuqa ka eegan doonaan.

Welbeck ayuu dhaawac daran oo canqawga ahi kusoo gaadhay kulankii ay bareejaha goolal la’aanta ah la galeen kooxda Sporting Lisbon waxaana uu intaas kaddib maray qaliin hubaal ka dhigaya inuu mudo dheer ka maqnaan doono garoomada.

Sanllehi ayaa tababaraha kooxda ee Unai Emery ku raacay in fursad lasiin doono da’yarka kooxda ee Eddie Nketiah balse waxa uu sidoo kale diiday inuu meesha ka saaro inay dib u fikiraan waana hadal si dadban u sheegaya inay xiddigo cusub kooxda kusoo xoojin karaan.

Sanllehi ayaa yidhi “Taasi dhab ahaantii waa wax aan la qorshayn, Haa taasi waxay kaa dhigaysaa inaad waxyaabaha qaar tix geliso, Anigu ma odhanayo inay midaasi tahay ogolaansho suuqa kala iibsiga ah balse waxaan xilli horeba haysanaa xiddigo wanaagsan sidoo kale waxa ay fursado dheeraad ah u tahay Eddie Nketiah tusaale ahaan”

“Qorshayasha waxa la sameeyay xagaagii, Waan ku faraxsanahay sida ay wax u socdaan, Waxaan markasta isku dayaynaa inaan ku dadaalano la imaatinka kooxda ugu fiican ee aan haysano”

“Haddii ay jirto fursad aad u fiican (Oo aan ciyaartoy kula saxeexano) Dhab ahaantii waanu tix-gelin doonaa, Waxaanu eegi doonaa isbedelada dhaawaca Danny Welbeck”