Madaxwaynaha Horyaalka La Liga Ee Javier Tebas Oo Ka Hadlay Bixitaanka Cristiano Ronaldo & Haddii Uu Hoos U Dhac Ku Iman Doono Xuquuda Baahinta Kulamada La Liga.

Madaxweynaha horyaalka Spanish-ka ee La Liga ninka lagu magacaabo  Javier Tebas ayaa ka hadlay heshiiska taariikhda galay ee uu Cristiano Ronaldo maalinimadii shalay sida rasmiga ah ugu wareegay horyaalka Talyaaniga gaar ahaan kooxda Juventus.

Waxa si weyn loo saadaalinayaa inuu kor u kac samayn doono horyaalka Seria A ee dalka Talyaanigu kaddib heshiiska Ronaldo uu ugu biiray Juve, Balse madaxweyne Tebas waxa uu ku dooday in uusan jirin ciyaartoy ka magac weyn La Liga isla markaana heshiiska uu xiddigu ugu biiray kooxda lagu naanayso marwada duqda ahi uu warwarka ka yarayn doono.

Madaxweynaha La Liga ee Mr Tebas waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waanu shaqaynaynaa sidaa darteed u dhaqaaqistaasi maaha mid aad u muhiim ah, haddii aan markii hore warwari jiray tobankiiba sagaal (9/10) imika waxay i warwar galinaysaa tobankiiba afar (4/10) marnaba sidii hore lamid maaha, Waxaanu qabanay shaqo badan sidaa darteed kuma xidhnin suuqa kala iibsiga, Marka aynu La Liga joogno waynu ka waynahay magaca ciyaartoyda sida ay Real Madrid uga weyntahay wax soosaarka Cristiano Ronaldo”

Dhinaca kale  Javier Tebas ayaa wax laga waydiiyay haddi heshiiska Cristiano Ronaldo uu wax saamayn ah ku yeelan doono xuquuqda baahinta TV-yada ee horyaalka La Liga isla markaana uu hoos u dhac ku keeni karo balse Tebas ayaa tusaale usoo qaatay in horyaalka Premier League uu yahay midka ugu fiican ee xaga baahinta walow aysan haysan ciyaartoyda ugu fiican.

Waxaana uu yidhi isagoo hadalkiisa sii wata “Taasi waxay noqonaysaa fikrad lagu kala qaybsanyahay gudaha suuqa caalamiga ah, Premier League waa midka markasta ugu iibka wanaagsan mana laha ciyaartoyda ugu fiican iyo kooxaha ugu fiican, Suuqa xuquuqda TV-yadu maaha mid sidaa u shaqeeya”

“Ma jiro wadan ii sheegay inay lacagahooda hoos u dhigi doonaan la’aanta Cristiano ama la’aanta Messi waxay iibsadaan tartanka, Cristiano wuu tagi doonaa mid kale ayaana iman doona laakiin dhammaan dadka xuquuqda TV-yadu waxay heshiiska cusboonaysiiyeen iyadoon mawduuca hal ciyaartoy ama mid kale uusan miiska saarnayn”

Dhinaca kale Tebas waa taageere weyn oo Real Madrid ah waxaana uu isaga oo ciyaaraya doorkiisa taageerenimo si weyn ugu mahad celiyay Cristiano Ronaldo isaga oo ku sheegay mid kamid ah xiddigaha ugu fiican taariikhda waxaana uu yidhi “Waxaanu uga mahadcelinaynaa Cristiano inuu ka ciyaaray waxa uu yahay horyaalka ugu fiican dunidu”