Madax Weynaha Uruguay Tabaré Vázquez Oo Ugu Yeeray Griezmann Inuu Booqdo Dalkiisa, Si Uu Kaga Mahad Celiyo, Dareenkii Quruxda Badnaa Uu U Muujiyay.

Madax Weynaha Uruguay Tabaré Vázquez ayaa hambalyo u diray weeraryahanka kooxda Atlético Madrid iyo xulka qaranka France Antoine Griezmann, kadib markii uu xulkiisa ku hogaamiyay ku guleysiga koobka aduunka 2018.

Madax Weynaha Uruguay Tabaré Vázquez ayaa muujiyay rabitaankiisa ah inuu Antoine Griezmann ku casuumo dalka Uruguay dhamaadka sanadkan si uu u sharfo uguna mahadceliyo.

War rasmi ah ee kasoo baxay madaxda Uruguay ayaa lagu yidhi: “Waa inaan u mahadceliyaa kadib dareenka uu u muujiyay Uruguay, kadib markii uu ku dhex qaatay calankeena shirkiisa jaraa’id, kadib finalkii koobka aduunka 2018”.

Weeraryahanka kooxda Atlético Madrid iyo xulka qaranka France Antoine Griezma ayaa calanka dalka Uruguay saartay labadiisa garbood, shirkii jaraa’id uu kaga soo muuqday saxaafada horteeda, sida uu qoray wargeyska Marca.

Xidhiidhka Antoine Griezma iyo Uruguay ayaa wuxuu soo bilaawday tan iyo marka uu ku sugnaa kooxda Real Sociedad, kadib markii uu kasoo hoos shaqeeyay macalinka reer Uruguay Martín Lasarte.

Antoine Griezma ayaa iska diiday inuu u dabaal dago kadib markii uu xulka qaranka Uruguay ka dhaliyay goolka 2-aad, kadib kulankii ay xulalka France iyo Uruguay ku wada ciyaareen wareega siddeeda koobka aduunka 2018 kaasoo kusoo idlaaday 2-0.

Madax Weynaha Uruguay Tabaré Vázquez ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Farxad ayay inoo tahay inaan kusoo dhaweyno qasriga madaxtooyada, isla markaana aan si shaqsiyan ah ugu mahad celino”.