Madax Waynihii Hore Ee Barcelona Ee Joan Laporta Oo LABA Sababood Ku Diiday In Antoine Griezmann La Keeno Camp Nou.

Madax waynihii hore ee kooxda Barcelona ee Joan Laporta ayaa min caarid ku noqday in Antoine Griezmann la keeno Camp Nou.

Xidiga reer France ee Antoine Griezmann ayaa go’aan rasmi ah ku shaaciyay in uu xagaagan ka baxayo Atletico Madrid.

Barcelona ayaa waqtigan oo kale xagaagii hore waxay heshiis buuxa la gaadhay Antoine Griezmann laakiin waxa uu kadib qaatay go’aan uu Atletico ku sii joogay.

Laakiin hadda waxaa la filayaa in Antoine Griezmann uu hoos u dhigo mushaarkiisii Atletico Madrid si uu Barcleona ugu soo biiri karo.

Balse madax waynihii hore ee Joan Laporta ayaa sheegay labada sabab ee ay tahay in ayna maamulka Barca ula soo wareegin Antoine Griezmann isaga oo ku hadlaya afka taageerayaasha Blaugrana.

Joan Laporta ayaa ku dooday in qiimaha suuqa ee Antoine Griezmann uu yahay mid aad u sareeya taas oo uu sabab ka dhigay in Griezmann aan la keenin Camp Nou halka sababta labaad uu ku sheegay in ayna jamaahiirta Barca doonayn xidigan.

Joan Laporta oo Labada Sababood ee aanu u doonayn Griezmann ka hadlaya ayaa yidhi: “Waxaan filayaa in taageerayaasha ugu badani ayna isaga doonayn, sidoo kale sababtu waa qiimihiisa kaas oo aan filayo in laga buun buuniyay”.

“Waxaan filayaa in ay jiraan ciyartoy kale oo saamayn badan kuwaas oo si sax ah u samayn kara waxa uu Griezmann ka qaban karo Barcelona” ayuu Laporta hadalkiisa sii raaciyay.

Laakiin Joan Laporta ayaa sheegay in haddii ay dhacdo in Griezmann uu ku soo biiro Barcelona ay markaas noqon doonaan kuwa ugu horeeya ee dhiiro galiya ee ayna markaas ka hor iman doonin.

Joan Laporta ayaa yidhi: ” Haddii uu yimaado, dhamaantayo reer Catalania waxaanu noqon doonaa kuwa ugu horeeya ee isaga dhiiro galiya ee sidii ku soo dhacday dhamaan ciyaartoydii yimid”.

Joan Laporta ayaa waqtiyo badan soo dhaliilayay hanaanka maamul iyo suuqa ee madax waynaha hadda Barcelona maamulka ee Bartomeu iyada oo waliba Joan Laporta uu haysto taageerada jamaahiirta Barca.