Madax Waynaha Napoli Ee Aurelio De Laurentiis Oo Si Cad U Sheegay Kooxda Ku Biirayo Jorginho- Man City Mise Chelsea?

Madaxweynaha kooxda Napoli Aurelio De Laurentiis ayaa xaqiijiyay in ciyaaryahanka khadka dhexe ee Jorginho uu u dhaqaaqi karo Manchester City, isagoo dhinaca kale xaqiijiyay in mustaqbalka tababare Maurizio Sarri uu qarka u saaran yahay in la xaliyo.

Hadalka Aurelio De Laurentiis ayaa yimid maalin ka dib markii uu ku dhawaaqday kooxda Chelsea inay diyaar u tahay in Napoli ay kala soo saxiixaneyso Maurizio Sarri iyo Jorginho aduun dhan 65 milyan euro, xili laacibka reer Talyaani si weyn lala xidhiidhinayay ku biirista Manchester City.

Ugu horeyn Madaxweynaha kooxda Napoli Aurelio De Laurentiis ayaa ka hadlay mustaqbalka Maurizio Sarri wuxuuna yidhi: “Heshiiska Maurizio Sarri wuxuu ku dhow yahay in la xaliyo, wax walba waxay ku xiran yihiin isaga”.

Madaxweynaha kooxda Napoli ayaa wuxuu hadalkiisa sii raaciyay: “Waxaan ku xidhay shuruud, wax walba waxay ku xidhan yihiin garyaqaanada, dhinaca kale hadii uu jiro dalab ku aadan Jorginho, waan tixgalin doona, waxaa waajib ah inaan raali galino Manchester City, hadii ciyaaryahanka uu jecel yahay inuu ku noolaado London”.

Aurelio De Laurentiis ayaa wuxu hadalkiisa kusoo xidhay: “Haddii Chelsea ay siiso mushahar weyn, waan fahmi karayaa, in Jorginho iyo Maurizio Sarri ay markale mudoobayaan, Jorginho wuxuu aadayaa kooxda Chelsea iyadoo aan loo eegin Maurizio Sarri”.