Madax Waynaha Mustaqbalka Barca Ee Gerard Piqué Oo Soo Bandhigay Amar Diidadii Uu Ernesto Valverde Ku Sameeyay Todobaadkan.

Difaaca dhexe ee kooxda Barcelona ee Gerard Piqué ayaa sheegay in uu amar diido ku sameeyay macalinkiisa Ernesto Valverde. Gerard Piqué iyo xaaskiisa Shakira ayaa u safray dalka Maraykanka inkasta oo uu Valverde ku amray in aanu US u bixin.

Gerard Piqué ayaa u safray US kadib markii kulamada caalamiga ah loo fasaxay ciyaartoyda kooxaha kubbada cagta laakiin Valverde ayaa doonayay in Pique aanu safarkan dheer galin maadaama oo uu ka fadhiistay waajibaadkii xulkiisa Spain.

Shirkada Gerard Piqué ee Kosmos company oo samaysay koobka Davie Cup wuxuuna Pique sheegay in ay Valverde layaab ku noqotay safarkii uu ku baxay iyo waliba ansixintii koobka Davis Cup ee ITF.

Gerard Pique oo arintan ka hadlaya ayaa yidhi: ” Isaga (Valverde) aad ayuu u yaabay. Dhawr maalmood ka hor ansixintii codka ee ITF ee isbadalka aanu qaabka ku samaynay, isaga ayaan la hadlay oo aan ku u sheegay: ‘Dhegayso, Ernesto, waxaan u baahanahay in aan tago, sababtoo ah iyagu way ka shakisan yihiin, joogitaankaygu mashruuca ayuu cawinayaa in uu hore u socdo”.

Gerard Pique oo hadlaya go’aankii Valverde ayaa yidhi: “Anigu maan doonayn in aan isaga u sheego in ay Orlado tahay, isagu iimuu sheegin in aanan tagin , laakiin sidoo kale iimuu sheegin in aan tago”.

“Waxaan u sheegay in ay tahay Orlado, si deg deg ah ayuu u yidhi: “Iska ilaw iyada, waa safar aad u dheer” waan ku adkaystay in aan soo laaban doono oo aanu guulaysan doono”.