Macquul Ma Tahay In Arsene Wenger Qabsado Xilka Tababarenimo Ee Chelsea Oo Uu Hilmaamo Jacaylka Arsenal? Halyeey David Seaman Oo Dood Cusub Dhaliyay.

Tababarihii hore ee kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa soo ahaa mid 22 sano soo joogay magaalada London isaga oo ku dagaalamaya maaliyada Cas balse markan ayaa lala xidhiidhiyay inuu ku laaban karo isla magaaladaas isaga oo maaliyada buluuga ah difaacaya.

Goolhayihii hore ee Arsenal ahna xiddigii Wenger ee David Seaman ayaa aaminsan in tababarahan haatan shaqo la’aanta ahi uu yahay mid xilka Chelsea ka bedeli kara Maurizio Sarri.

Natiijo xumada Chelsea ee sanadkan oo ay ku jiraan guuldarooyin kasoo gaadhay  Arsenal, Bournemouth, Manchester City iyo Manchester United ayaa Sarri ka dhigay mid qarka u fuushan inuu shaqadiisa lumiyo.

Haddaba, Seaman ayaa aaminsan in 69 jirkan saddexda jeer horyaalka lasoo qaaday Gunners uu u wareegi karo dhinaca galbeedka London isaga oo iska iloobaya jacaylkii uu u qabay Arsenal.

Seaman oo u warramaya TalkSport ayaa yidhi “Arsene waxa uu markasta odhan jiray inuusan kusoo laaban doonin Premier League sababtoo ah jacaylkiisa Arsenal, Inuusan wanaag ku dareemayn la tartanka Arsenal”

“Laakiin sida cad wakhtigu waa mid wax bogsiiya waxaana uu odhan karaa ‘Waxaan doonayaa inaan halkaas ku laabto oo aan dad kooban u cadeeyo qaladkooga”

“Aniga ahaan, Arsene waxa uu helay eedaymo badan oo uusan u qalmin dhawrkiisii sano ee ugu dambeeyay ee Arsenal”

“Waxa ay u muuqataa inay jiri doonto shaqo ka banaan Chelsea si deg deg ah iyada oo ku xidhnaan doonta saddexdooda kulan ee soo socda kuwaas oo saddex kulan oo waaweyn u ah Chelsea”

“Cajiib ayuu ku noqon lahaa halkaa (Chelsea), Waxaan filayaa inuu cajiib ku noqon lahaa meel kasta, Isagu waa tababare weyn”

Tababarayasha ilaa haatan ay maamulka Chelsea u calaamadsadeen bedelka Sarri ayaa lagu sheegay Zinadine Zidane iyo halyeeyada kooxda ee Gianfranco Zola iyo Frank Lampard.