Macquul Ma Tahay In Arsenal Dib Ula Soo Saxeexato Alexis Sanchez? Halyeeyga Arsenal Ee Marc Overmars Oo Sheeko Cusub Abuuray & Sanchez Oo Uu Markale Gunners La Doonayo.

Halyeeyga kooxda Arsenal ee Marc Overmars ayaa dib u furay sheeko xiiso badan oo uu ku doonayo in xidiga kooxdiisii hore ee Alexis Sanchez uu dib ugu laabto kooxda kaddib markii uu ku fashilmay inuu isku muujiyo Manchester United.

Sanchez waa xiddiga mushaharka ugu badan ku qaata horyaalka Premier League waxaana uu toddobaadkii u xaadiraa lacag dhan £400,000 balse waxa uu kaliya xilli ciyaareedkan kusoo dhaliyay 1 gool 14 kulan oo Premier League ah.

Sanchez ayaa kulankii PSG soo galay isaga oo bedelay Lingard oo dhaawac qabay balse waxa uu ku fashilmay inuu kulanka kusoo bandhigo xirfadii, Xawaarihii iyo xeeladii lagu yaqaanay marka uu Arsenal u ciyaarayo.

Haddaba, Overmars oo haatan agaasimaha ciyaaraha ka ah kooxda Ajax ayaa sheegay inuu ixtiraam u hayo Sanchez maadaama oo uu shaqo fiican kusoo qabtay Arsenal isaga oo dhinaca kale sheegay in uu ku laaban karo kooxda maadaama oo aysan wali bedelkiisa helin.

Marc Overmars ayaa yidhi “Ixtiraam weyn ayaan u hayaa Alexis sababtoo ah waxa uu wax aad u wanaagsan kusoo sameeyay Arsenal”

“Ma ogi haddii ay go’aan wanaagsan ahayd inuu tago, Kaddib Alexis, Arsenal ayaa isku day day inay lasoo saxeexato ciyaartoy kale oo sidaas ah balse iyaga lama siinin sidaa darteed wuu ku laaban karaa”

Mid kamid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ee uu Sanchez la kulmay ayay kamid tahay inay bishii Novenber kala tageen gabadha jilaaga ah ee ree Chile ee Mayte Rodriguez taas oo ku sababtay inuu dareemo cidlo, in la iska indho tiray iyo waliba caajis sida lagu sheegay wargeyska The Telegraph.

Ugu dambayn, Xaalada guud ahaaneed ee Sanchez ayaa ah mid aan fiicnayn xilli uu sidoo kale dhawaan tababarahiisa Solskjaer uu sheegay inuusan waxba ka qaban karin.