Macalinkii Hore Ee Real Madrid Carlo Ancelotti Oo Sheegay In Ku Biirista Cristiano Ronaldo Ee Kooxda Juventus Ay Faa’iido U Tahay Napoli.

Tababaraha kooxda reer Talyaani ee Napoli Carlo Ancelotti ayaa xaqiijiyay in ku biirista Cristiano Ronaldo ee kooxda Juventus ay faa’iido weyn u tahay kubada cagta dalka Talyaaniga iyo sidoo kale kooxda ka dhisan Koonfurta dalka Talyaaniga ee Napoli.

Cristiano Ronaldo oo 33 jir ah ayaa ugu dhaqaaqay kooxda kubada cagta ee Juventus aduun dhan 100 million euros, wuxuuna saxiixi doonaa heshiis gaarsiisan ilaa iyo 2022 isla markaana uu sanadkii ku qaadan doono aduun dhan 30 million euros.

Hadaba macalinkii hore kooxda Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa wareysi uu siiyay wargeyska “Corriere dello Sport” ee dalka Talyaaniga wuxuu kaga hadlay ku biirista Cristiano Ronaldo ee kooxda Juventus wuxuuna yidhi: “Waan aqaanaa Ronaldo sidoo kale, waa ciyaaryahanka ugu fiican adduunka”.

Carlo Ancelotti ayaa wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: “Kubada cagta dalka Talyaaniga wax badan ayay ka faa’idi doontaa ku biirista Cristiano Ronaldo ee kooxda Juventus, dabcan sidoo kale Napoli waa kooxda kale ee faa’iido ku qabta heshiiska Ronaldo, kaliya kuma joobna Bianconeri”.

Macalinka cusub ee Napoli ayaa sidoo kale sheegay: “Kooxaha reer Talyaani waxay isku dayi doonaan in ay loolan la galaan Juventus ilaa daqiiqada ugu danbeysa, sababtoo ah waxay doonayaan inay wajahaan ciyaaryahan leh awooda sida Cristiano Ronaldo oo kale”.

Ancelotti ayaa hadalkiisa kusoo xidhay “Napoli waxay ku kalsoon tahay awoodeeda, iyo sidoo kale rabitaankeyga inaan ku laabto Talyaaniga, intaas waxaa sii dheer Napoli waxay halkan ku heysataa mashruuc aad u wanaagsan ee lagu hormarinayo kooxda, sidaas darted waxaan ogolaaday in aan leeliyo kooxdan”.