Macalinka Xulka Qaranka Wales Ee Chris Coleman Oo Gareth Bale Hal Arin Uga Digay Oo Ah Sababa La Xidhiidha Xaalada Adag Ee Uu Haatan Kaga Sugan Yahay Bernabéu!.

Macainka xuka qaranka Weles Chris Coleman ayaa fariin aad u adag oo digniin ah u diray laacibka ree Weles iyo kooxda Real Madrid Gareth Bale, taasoo ku aadan inuusan dib ugu laaban ka ciyaarista horyaalka Premier League-ga, wuxuuna kula taliyay inuu iska sii joogo kooxdiisa Los Blancos, marka loo fiiriyo waxyaabaha horyaalka dalka England uu gaarka u ayahay ee ah in laacibka looga baahan yahay awood jireed oo aad u xoogan.

Chris Coleman ayaa wuxuu sheegay inuu rajeynayo xili kasta inuu arko Gareth Bale oo aad u faraxsan wuxuuna ka war qabaa inuu laacibka ree Weles uu ku faraxsanaan doono kaliya kooxda uu haatan ku sugan yahay ee Real Madrid, sababtoo ah Los Blancos waxay xili kastaa siisaa wax walba ee u suuragalinaya inuu kusii dhax jiro ciyaarista kubaa cagta.

Coleman ayaa intaa ku daray hadalkiisa in inkastoo dhaawacyada Gareth Bale ee soo laa laabtay mudada 5 xili ciyaareed uu ku sugnaa Real Madrid ay tahay xaalad aad u adag, hadana wuxuu tilmaamay inay kasii adag tahay hadii uu qaato go’aanka uu dib ugu soo laabanayo horyaalka Premier League-ga, marka loo fiiriyo sida xoogan ee looga ciyaarayo iyo cadaadiska daran ee ka jira ay sabab buuxda markale ugu noqon karto inuu la kulmo dhaawacyo ka badan kuwa uu haatan la dhibtoonayo.

Si kastaba waxaa xusid mudan in Gareth Bale uu markale dhawaan la kulmay dhaawac kaloo cusub, taasoo ka dhigeysa in markale uu mudo bil ah kaga maqnaan doono safka macalinka ree France ee Zinedine Zidane, si uu halkiisa ugu sii wato maqnaanshiyihiisa faraha badan ee la xidhiidha dhaawacyada isdaba jooga ah.

Comments

comments