Macalinka Kooxda Manchester City Pep Guardiola Oo Dalbanaya Saxiixa Khadka Dhexe Real Madrid Mateo Kovačić, Si Uu Kaga Soo Dajiyo Etihad Stadium.

Macalinka kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa qorsheenaya in Real Madrid uu kala soo saxiixdo mid ka mid ah xidigaha khadka dhexe ee muhiimka ka ah garoonka Santiago Bernabeu.

Wargeyka “Mirror” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in xidiga khadka dhexe xulka qaranka Croatia ee Mateo Kovačić uu qeyb ka yahay xidigaha uu Pep Guardiola bar-tilmaameedka buuxa kaga dhiganayo suuqa xagaaga.

Macalinka reer Spain iyo kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa wuxuu doonayaa inuu sii xoojisto khadkiisa dhexe inta lagu jiro suuqa xagaaga si xili ciyaareedka cusub uu u galo loolan adag ee ku aadan dhamaan tartamada kala duwan ay qeybta ka nqon doonaan, xili uu kooxda ka dhaqaaqay Yaya Toure.

Wararka ayaa waxay sidoo kale intaas kusii darayaan in maamulka Skay Blues ay doonayaan sameynta saxiixa xidiga khadka dhexe kooxda Napoli Jorginho, laakiin ilaa iyo haatan ma jiro wax heshiis ah ee ku aadan laacibka reer Talyaani, sidaas dates waxay raadinayaan badalkiisa saxda ah hadii ay dhacdo in ay ku fashilmaan.

Si kastaba Manchester City ayaa sii sameysatay dooqyo kala duwan kadii ay ku guuldareesato raacdada ay ugu jirto khadka dhexe kooxda Napoli Jorginho, waxayna dooneyaa dhamaan saxiixyada kala ah Miralem Pjanić, Mateo Kovačić.

Pep Guardiola ayaa si aad ah u daneenaya inuu lasoo saxiixdo Mateo Kovačić., kadib markii uu sheegay laacibka reer Croatia sheegay inuu doonayo ka tagista garoonka Santiago Bernabeu, maadaama uusan ka heysan boos joogta ah.