Macalinka Kooxda Manchester City Ee Pep Guardiola Oo Ka Warbixiyay Go’aankiisa Kaga Aadan Inuu Tababare U Noqdo Xulka Qaranka Argantina.

Macalinka kooxda Manchester City ee reer Spain ee Pep Guardiola ayaa sheegay inuu markan xiiseenayo leylinta heer xul qaran, laakiin macalinkii hore kooxda Barcelona ayaa iska diiday inuu ku dhawaaqo xulka uu jeclaan lahaa inuu tababare u noqdo mustaqbalka dhow.

Pep Guardiola ayaa ka mid ah macalimiinta xiligan ugu wanaagsan xirfada tababarka ee kubada cagta kadib markii uu kusoo wada guuleestay shaqooyinkii uu kasoo qabtay kooxihii uu soo maamulay ee kala ah Barcelona, Bayern Munich iyo Manchester City kuwaasoo iyagana ka mid ah kooxaha ugu xoogan ee qaarada yurub.

Hadaba wargeyska “Marca” ayaa soo bandhigay wareysi dhawaan lala yeeshay Jorge Valdano, xili uu macalinka reer Spain iyo kooxda Manchester City ee Pep Guardiola isna sharaxay: “Hadii aan helayo fursada, waa hubaal inaan doonayo inaan noqdo tababare heer xul qaran”.

Dhinaca kale Jorge Valdano ayaa wuxuu soo jeediyay in macalinka reer Spain iyo kooxda Manchester City ee Pep Guardiola uu tababare u noqdo xulka qaranka Argantina, laakiin Guardiola ayaa ka bixiyay jawaab deg deg ah wuxuuna yidhi: “Argentina, maya fadlan”.

Si kastaba waxaa xusid mudan in Pep Guardiola in xiliyadii dhawaa ee lasoo dhaafay lala xidhiidhinayay inuu qaban doono shaqada xulka qaranka Argantina, gaar ahaan in Lionel Messi waayihiisa ugu fiicnaa xirfadiisa kubada cagta uu kasoo hoos shaqeeyay Guardiola waayihiisii garoonka Cump Nou.