Macalinka Kooxda Chelsea Maurizio Sarri Oo Markale Ka Hadlay Eden Hazard, Muxuuse Ka Yidhi Ku Biirista Thibaut Courtois Ee Real Madrid?.

Macalinka reer Talyaani ee kooxda Chelsea Maurizio Sarri ayaa xaqiijiyay inuu ku faraxsan yahay saxiixa cusub ee kooxda ee Kepa Arrizabalaga, kadib markii uu suuqan xagaaga kaga soo dhaqaaqay kooxda Athletic Bilbao.

Maurizio Sarri ayaa kasoo muuqday shirka jaraa’id kahor kulaka ay bari kula ciyaari doonaan kooxda Huddersfield Town horyaalka Premier League wuxuuna sheegay: “Mateo Kovačić  waa ciyaaryahan tayo leh, wuxuu ku fiican yahay inuu si fiican kaga ciyaaro khadka dhexe, waa nooca ciyaaryahanka ka maqnaa safkeena, sidaasi darteed waa heshiis muhim inoo ah”.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay labada heshiis, sababtoo ah go’aanka Thibaut Courtois wuxuu ahaa mid cad, wuxuu go’aansaday inuu u dhaqaaqo kooxda Real Madrid, waxaan luminay mid ka mid ah goolhaayayaasha ugu fiicanaa kubada cagta, balse waxaan taas badalkeeda sameeenay mid kaloo da’ayar ah ee ka mid ah kuwa ugu fiican caalamka”.

“Waxaan u maleenayaa in Thibaut Courtois uu u dhaqaaqay arimo sababa la xidhiidha arimo shaqsiyadeed, kamana hadli doono, sidoo kale wax walwal ah kama qabo arinta Eden Hazard, waxaan la hadlay 3 ama 4 jeer, wuxuuna ii sheegay inuu ku farsaxsan yahay kooxda Chelsea, waligiisna kama hadlin arimo ku aadan bixitaan”.

“Beri kabtanka wuxuu noqon doonaa César Azpilicueta, laakiin taasi ma ahan go’aan kama dambeys ah, waxaan jeclaan lahaa inaan ogaado ciyaartoyda isla markaana aan doorto ciyaaryahanka saxda ah, kadibna waxaan qaadan doonaa go’aanka kama dambeysta ah.”

Maurizio Sarri ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay su’aal ku aadan in kulanka bari ay kula ciyaari doonaan Huddersfield Town horyaalka Premier League uu kasoo muuqan doono Kepa Arrizabalaga wuxuuna yidhi: “Ma aqaano laakiin wuxuu ku jiraa liiska ciyaartoyda mana aanan go’aansan weli”.