Macalinka Kooxda Chelsea Ee Maurizio Sarri Oo Si Xoogan U Xiiseenaya Lasoo Saxiixashada Xidiga Khadka Dhexe Real Madrid Mateo Kovačić.

Sida ay shaaca ka qaadeen wararka ka imaanaya Chelsea ayaa dooneysa inay sii xoojiso khadka dhexe kahor inta uusan bilaaban xili ciyaareedka cusub ee 2018/2019, waxayna markan dooneysaa in Real Madrid ay kala soo saxiixato xidig muhiim ah.

Wargeyska “Daily Mail” ee dalka England ayaa wuxuu sheegay in macalinka reer Talyaani iyo kooxda Chelsea ee Maurizio Sarri uu si xoogan u xiiseenayo sameynta saxiixa laacibka Real Madrid Mateo Kovačić, gaar ahaan maadaama uu si fiican u garanayo qaab ciyaareedkiisa tan iyo markii uu ku sugnaa kooxda Inter ee dalka Talyaaniga.

Sidoo kale laacibka xulka qaranka Croatia Mateo Kovačić, ayaa wuxuu qeyb ka yahay liiska xidigaha ay raacdada ugu jirto isla kooxda reer England ee Manchester City, kadib markii ay ku fashilmeen saxiixa Jorginho oo dhawaan ku biiray Chelsea.

Xidiga heerka caalami ee dalka Croatia Kovačić ayaa doonaya inuu ka tago Real Madrid, laakiin maamulka kooxda Los Blancos ayaan dooneynin inay waayaan shaqadiisa xili ciyaareedka cusub ee 2018/2019.

Chelsea ayaa xiiseenaysa in hesiiska Mateo Kovačić ay ku dooneyso in ay ka dhigato badalka xidiga khadka dhexe kooxda Arsenal ee reer Weles Aaron Ramsey oo sidoo kale xiiso ay ka muujisay saxiixiisa, maadaama heshiiskiisa Gunners uu dhacayo dhamaadka xagaaga soo aadan.