Macalinka France Ee Didier Deschamps Oo Qeexay Sababta Uu Kursiga Kayd Ka Ugu Soobilaabay Kylian Mbappe kahor Intii Uusan Fransiiska Guuldaro Ka Bad Baadin kulankii Xalay Ee Iceland.

Xulka qaranka France  ayaa kulankii xalay ay la ciyareen xulka Iceland ku jahwareeray soona ban dhigi waayay ciyar wanaagsan  bilawgii kulanka  kahor intii uusan da’yarka Kylian Mbappe bad baadin wadanka  ku guuleeystay kooxki aduunka ee 2018  xili aan Mbappe lagu soo bilaabin Ciyaartaasi.

BalseTababaraha  xulka qaranka France ee Didier Deschamps  ayaa ka hadlay  sababta uusan ugu soo bilaaban da yarkan cajiibka ah ee qaranka uu hogaamiyo ee Kylian Mbappé kulankii saaxiibtinimo ay la ciyaareen dhigooda Iceland.

Macalinka Xulka Difaacanaya koobka aduunka ee Didier Deschamps ayaa wareysi uu siinayay wargeyska “L’Equipe” ee dalka France kasoo baxa ka hadalay sababta uusan ugu soo bilaabin da’yarkiisa cajiibka ah waxaana uu yiri “Mbappé wuxuu dareemayay xanuun dhanka muruqa ah, sidaas darteed waxaan jecleestay in nasiyo waqti ku filan si aanan halis usii gelinin xaaladiisa caafimaad madaama uu kulan yahay mid saaxiibtinimo , waxaana go’aansaday in uu ciyaaro daqiiqo yar ”.

Related image

Dhinaca kale tababare Didier Deschamps ayaa horaantii isbuucan sheegay in uu Kylian Mbappe uu yahay xidig ka sareeya  dhaman xidigaha haatan ku xamaasha mihnada kubada cagata kadib hanashadisii Koobkii aduunka 2018 .

 

Si kastaba Kulankii xalay  dhexmaray wadama France iyo  Iceland ayaa ku soo dhaamaday  natiijo 2- 2 ah waxana la daremayay in xidigaha Iceland aya u ciyaareen si wayn si ay ugu babac dhigaanwadanka heeysta koobka aduunka ee France.