Maanta Oo Kale Laba Sano Ka hor Mohamed Salah Ayaa Anfield Soo Gaadhay- Akhriso Arimihii Ugu Muhiimsanaa Ee Soo Dhacday.

Liverpool ayaa maanta oo kale laba sanadood ka hor oo ku beegan June 22,2017 waxay kooxda AS Roma kala soo wareegtay Mohamed Salah kaas oo saamayn layaableh ku yeeshay Anfield.

Markii uu Mohamed Salah ku soo biiray Liveprool waxaa lagu magacaabayay fashilkii Chelsea ama Floppkii Chelsea ku soo hungoobay waxaana jiray dad su’aal galinayay sababta ay Reds lacag badan uga soo bixisay.

Laakiin muddo laba sanadood ah wax badan ayaa soo dhacay muddadii uu Mohamed Salah joogay Liverpool laakiin haddii la soo qaato kuwa ugu muhiimsan waxay muujinaysaa sida ay Reds qiimo aad u hooseeya ugu heshay Salah.

Mohamed Salah waxa uu hadda ka mid yahay dhawrka ciyaartoy ee kubbada cagta ugu saamaynta badan wuxuuna kooxda Jurgen Klopp siiyay awood ciyaareed oo ay kooxaha dhibaato badan ugu soo abuurtay.

Haddaba maxaa dhacay labadii sanado ee maanta oo kale ka hor ka soo bilawday markii ay Liverpool ku dhawaaqday heshiiskii Mohamed Salah?

Halkan kaga bogo Siddeeda arimood ee xusida mudan ee uu Mohamed Salah kooxdiisa Liverpool ka soo sameeyay muddadan.

1⃣0⃣4⃣ kulan oo uu Liverpool u ciyaaray

7⃣1⃣ Gool oo uu Liverpool u soo dhaliyay

2⃣ x Laba jeer oo uu kabta dahabka ah ku soo guulaystay

2⃣ x Laba jeer oo uu abaal marinta xidiga Afrika ee  African Player of the Year soo hantay

Ku guulaysiga koobka UEfA Champions League

Ku Guulaysiga Abaal Marinta xidiga sanadka Premier league ee PFA Players’ Player of the Year

Ku Guulaysiga abaal marinta xidiga Xili ciyaareedka ee Premier League Player of the Season

Ku Guulaysiga goolka sanadka aduunka ugu fiican ee Puskás Award

Gool caawintii uu Mohamed Salah soo sameeyay, doorkii saamaynta ee uu kooxda Jurgen Klopp ku yeeshay iyo waliba rekoodhayaashii uu waqti adag kooxdiisa ugu guulaystay ayaa sidoo kale ka mid ah waxyaabihii uu kooxda ku soo sameeyay.

Muddadii uu Liverpool joogay waxa uu Mohamed Salah ka mid noqday ciyaartoyda ugu qiimaha badan kubbada cagta wuxuuna taas ku gaadhay shaqadii uu garoonka dhexdiisa ku soo qabtay.

Si kastaba ha ahaatee, wax badan ayuu Mohamed Salah ku soo sameeyay maanta oo kale laba sano ka hor markii uu Liverpool soo gaadhay wuxuuna hadda ku socdaa gool dhalintii abid ugu deg dega badnayd ee uu xidig Reds ahi soo sameeyay.