Maan Seexan Oo Maan Garanayn Halkan Aan Joogay-Julen Lopetegui Oo Soo Bandhigay Dareenkiisii Markii Shaqada Xulka Qaranka Spain Laga Caydhiyay Ee Real Madrid Ay Kooxdeeda U Magacowday

Tababarihii hore ee xulka qaranka Spain iyo kooxda Real Madrid ee Julen Lopetegui ayaa waraysi dheer oo uu bixiyay waxa uu kaga hadlay xaaladihii jaho weerarka ahaa ee uu xulka qaranka Spain iyo Real Madrid ku soo qaatay sanadkii la soo dhaafay ee 2018 iyada oo laba jeer laga caydhiyay shaqooyinkii uu hayay.

Julen Lopetegui ayaa soo bandhigay sida uu dareenkiisu ahaa markii laga caydhiyay shaqada Real Madrid oo uu markii horeba si muran wayni ku jiray loogu magacaabay saacado ka hor kulankii Portugal ee ay Spain ku furanaysay koobkii aduunka ee Russia 2018.

Julen Lopetegui ayaa cadeeyay in aanu wax hurdo ah seexan isla markaana aanu garanayn halkii uu joogay markii laga caydhiyay shaqada kooxda Real Madrid oo uu godob iyo cadaawad wayn kaga abuurtay shacabka dalkiisa Spain markii uu qaaatay go’aankii uu Zinedine Zidane ku badalay waqti ay koobka aduunka isku diyaarinayeen.

SIDOO KALE AKHRISO:  Daawo Jose Mourinho Oo Ku Dhawaaday Inuu Shaqo La'aan Darteed La Ooyo

Ugu horayn  Julen Lopetegui oo ka hadlaya qaabkii uu ku aqbalay dalabkii Madrid ee waqti kooban ka hor koobkii aduunka ayaa yidhi: “Aniga wax sahlan iimay ahayn, laba sanadood ayaanu si adag u soo shaqaynay si aanu diyaar ugu noqon koob aduun oo fantastik ah. Laba bilood ka hor waxaan Spain u saxiixay heshiis cusub, waxayna ku dareen qodob lagu burburin karayay”.

Julen Lopetegui oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: ” Luis Rubiales ayaa fikrada keenay, aniguna waan ka ogaaladay isaga oo wax dhibaato ahi may irin, kadib waxaa dhacay (dalabkii shaqada Real Madrid). Waqtiga aniga iyo Madrid midkaayana muu dooran. Waxaan ku idhi haa, laakiin waxaan ogaa in koobka aduunku uu masuuliyadayda ahaa, daacad ahaantii in aan muddo bil ah sir ku sii hayaa suurtogal may ahayn”.

Kadib shaqo ka caydhintii xidhiidhka kubbada cagta Spain ayuu Lopetegui ka yidhi: “Waxa uu ahaa waqti aad u adag, aniguna waligay ma ilaawi doono, sababtoo ah waxa uu ahaa layaab, waxaan dareemay in uu aad cadaalad daro u ahaa”.

SIDOO KALE AKHRISO:  LA OGAADAY: Maxay Ahayd Sababtii Dhabta Ahayd Ee Philippe Coutinho Uu Ku Diiday In Uu Paris Saint-Germain Ku Biiro Si Uu Qayb Uga Noqdo Heshiiska Neymar Jr?

Kadib colaadii xidhiidhka kubbada cagta iyo Lopetegui ee ka soo bilaabantay in shaqada Real Madrid loo magacaabay ayaan sidii uu Lopetegui doonayay u shaqayn wuxuuna markale wajahay in shaqada Bernabeu laga caydhiyay dhawr bilood kadib wuxuuna soo bandhigay sidii uu dareenkiisu ahaa.

Julen Lopetegui oo ka hadlaya xaaladiisii markii shaqada Madrid loo magacaabay iyo shaqo ka caydhintii  xulka Spain  ayaa yidhi: “Anigu maan seexan, anigu maan garanayn meesha aan joogay. Maalin waxaan joogay tababarkii Russia ee koobka aduunka, maalintii xigtay waxaan Santiago Bernabeu la joogay koox cusub”.

“Wax deg deg badan ayay ahayd, aad ayay u adkayd in la qaataa isla markaana caadifadu aad ayay u kacsanayd, wax adag ayay ahayd in laysku sheego in koobka aduunka laga baxo, waxay ahayd riyo aan si adag uga soo shaqeeyay, dhaaman qiiradan oo dhan, waxaan ahay bini aadam, sidaa daraadeed, mararka qaar ma awoodaysid in aad maamusho”. ayuu Lopetegui hadalkiisa sii raaciyay.

SIDOO KALE AKHRISO:  Liverpool Oo Farxad Weyn Ku Dareemaysa In Philippe Coutinho Uu Bayern Munich U Wareegay - Maxay Tahay Danta Ugu Jirtaa?

Laakiin Lopetegui ayaa iska diiday in uu eedayn u soo jeediyo in maamulka Madrid uu kaga baxay balantii ay koobka aduunka kaga galaafteen wuxuuna sheegay in shaqo ka caydhintii Madrid uu ku qeexi karo in aanu helin waqti ku filan balse aanu wax xun ka sheegayn Real Madrid.