Maan Qaadan Xili Ciyaareedkan Fiican, Waxa Uu Bandhigaygu Aad Uga Liitay Sidii Aan Filayay-Philippe Coutinho Oo Qirasho Wayn Sameeyay.

Philippe Coutinho ayaa markii ugu horaysay si buuxda u qirtay in uu soo qaatay xili ciyaareed liita wuxuuna si buuxda u garwaaqsaday in qaab ciyaareedkiisii xili ciayareedkani uu xataa ka hooseeyay wiixii uu naftiisa ka filayay.

Philippe Coutinho ayaa qirashadan sameeyay maalmo yar ka hor waqtiga uu furmayo koobka Copa America ee uu dalkiisa Brazil marti galin doono wuxuuna ku dooday in sida kaliya ee uu xaaladan xun kaga soo bixi karaa ay tahay in uu si adag u shaqeeyo.

Philippe Coutinho ayaa eedayn badan la soo kulmay xili ciyaareedkan waxayna isku dhaceen taageerayaasha kooxdiisa Barcelona oo marar badan ku oriyay kadib markii ay xaaladiisa u adkaysan waayeen.

SIDOO KALE AKHRISO:  Lambarka Uu Philippe Coutinho U Xiran Doono Bayern Munich Oo La Shaaciyay

Barcelona ayaa Philippe Coutinho ka dhigtay xidigii taariikhda kooxdooda ugu qaalisanaa waxayna Liverpool lacag kagala wareegeen xidiga reer Brazil intii lagu jiray suuqii January ee 2018 kii.

Balse wax walba oo Philippe Coutinho laga filanayay waxa uu muuq beelay markii uu awoodi kari waayay in uu soo min guuriyo qaab ciyaareedkii layaabka lahaa ee uu Liverpool ku soo sameeyay.

Philippe Coutinho oo xaaladiisa ka hadlaya ayaa yidhi: “Anigu xili ciyaareed fiican maan soo qaadan. Bandhigaygu waxa uu ahaa mid aad uga liitay sidii aan filayay in uu noqonayo”.

Coutinho oo ka hadlaya sida kaliya ee uu arintan kaga jawaabi karo ayaa yidhi: “Habka kaliya ee loo horumarin karaa waa in aad shaada adag dib ugaga hesho kalsoonida, isla markaana si adag ayaan u shaqaynayay”.

SIDOO KALE AKHRISO:  Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ee Ay Maanta Oo Salaasa Ah Qoreen Wargeysyada Yurub

Sidoo kale Thiago Silva oo ay Coutinho isku xulka Brazil oo isna Coutinho ka hadlay ayaa yidhi: “Labadii kulan saaxiibtinimo ee aanu soo ciyaarnay, isagu waxa uu ahaa ciyaartoyga garoonka ugu fiicnaa”.

“Ma aha baas bixintiisa iyo awoodiisa gool dhalineed oo kaliya, balse sidoo kale heerka difaacashadiisa. Hadda markale ayuu in badan faraxsan yahay, waxa uu isagu ku ciyaarayaa dhoolo cadayn” ayuu Silva hadalkiisa ku sii daray.

Coutinho ayaa laga filayaa in uu xulkiisa Brazil u qaato doorkii hogaamineed ee Neymar Jr laga filayay maadaama oo uu xidiga PSG dhaawac ku seegayo Copa America.