Maamulkada Kooxaha Liverpool & PSG Oo Ka Wada Xaajoon Doona Suurtogalnimada Fabinho Ugu Biirayo PSG Bisha January Inta Lagu Jiro Kulanka Paris.

Maamulka kooxda PSG ayaa ka faa’iidaysan doona kulanka ay habeen danbe la ciyaari doonaan Liverpool waxayna qorshaysteen in ay wada xaajood kala yeeshaan sida ay ku heli karaan saxiixa khadka dhexe ee Fabinho kaas oo hore PSG bartilmaameed ugu ahaa intii aanu Liverpool ku biirin.

Fabinho ayaan si buuxda u sal dhigan Liverpool inkasta oo uu muujiyay bandhigyo fiican qaar ka mid ah kulamadii uu saftay laakiin maamulka kooxda PSG ayaa barri maqribnimada waxay kulan la yeelan doonaan madaxda Liverpool si ay ugala hadlaan heshiiska Fabinho.

Liverpool ayaa ka walwalsan in xiisaha PSG uu saamayn yeesho bandhiga Fabinho haddii uu kulankan Klopp soo xusho laakiin wargayska caanka ah ee L’Équipe ayaa shaaciyay in maamulka PSG ay ka faa’iidaysan doonaan kulaka Liverpool si ay wada xaajood u yeeshaan dhigooda Reds.

Tababaraha kooxda PSG ee Thomas Tuchel ayaa cadeeyay in ay doonayaan xidig khadka dhexe ah oo aad u fiican si uu shaxdiisa ugu saleeyo 4-3-3 oo ah afar difaac ah, saddex khadka dhexe ah iyo saddex weerar ah iyada oo Thomas Tuchel aanu la dhacsanayn  Lassana Diarra.

PSG ayaa marka hore iska fasixi doonta Diarra si ay ugu hogaansanto sharciga dhaqaale wanaaga Yurub ee dhinaca mushaar bixinta si ay boos ugu hesho Fabinho oo ay ka doonayso in ay Liverpool kala soo wareegto.

Dhar sababood ayaa PSG ku riixaya in ay Fabinho ka dhigtaan bartilmaameed muhiim ah waxaana ugu horeeya khibrada uu u leeyahay horyaalka France ee Ligue1 oo uu hore ugula soo guulaystay kooxda Monaco, waxa kae oo PSG muhiimad wayn u ah in Fabinho uu ka ciyaari karo difaaca midig isla markaana uu xataa difaaca dhexe uga safan karo marka ay u baahdaan.

Waxa kale oo uu wargayska L’Équipe sheegay in Jurgen Klopp uu muujiyay sida uu u doonayo in uu Fabinho kooxdiisa ku sii haysto balse ay boodka kooxda Liverpool doonayaan in ay meesha ka saaraan Fabinho balse ay doonayaan in ay lacag 50 milyan ah Reds ku iibiso isla markaana ay amaah ku sii haysato inta xili ciyaareedkan ka hadhsan.

PSG ayaa sidoo kale maanka ku haysa in Adrien Rabiot uu hadda kooxdeeda ka sii baxayo maadaama oo uu diiday in uu wax heshiis cusub ah saxiixo isla markaana uu si xor ah ku bixi doono dhamaadka xili ciyaareedkan.