Maamulka Suuqa Kala Iibsiga Ee Barcelona Oo Calaamadsaday Boosaska Ay Kooxda Ka Xoojin Doonaan Suuqyada Soo Socda & Xiddig Muhiim Ah Oo Booskiisa Waayi Kara.

Maamulka kooxda Barcelona gaar ahaan waaxda farsamada ee kooxdaas ayaa u muuqda kuwo haatanba calaamadsaday labada boos ee ay tahay inay ka xoojiyaan kooxdooda suuqyada soo socda kaddib hoos u dhac yar oo safka kooxda laga dareemayo kulamadii ugu dambeeyay.

Hore ayaa loo filayay in Barca ay kaliya daafac dhexe oo cusub u geli doonto suuqa kala iibsiga balse sidoo kale waxa ay haatanba ka fikirayaan sidii ay kooxda ugu soo xoojin lahaayeen goolhaye iyo weeraryahan cusub.

Eric Abidal oo kamid ah maamulka suuqa kala iibsiga ee Barca ayay u muuqataa inay tahay wakhtigii ay kooxdu lasoo saxeexan lahayd weeraryahan dhexe oo lamaane ku noqda Luis Suarez, Munir Elhadaddi ayaa ah xiddiga haatan bedela Suarez.

Luis Suarez ayaa sanadka cusub noqon doona 33 jir iyadoo xiddiga qudhiisu uu u muuqdo mid bilaabaya ololaha kulamada qaar lagu nasinayo kaddib markii uu xilli ciyaareedkii hore kulan ay la dheeleen Leganes sheegay inay ahayd inuusan ciyaarin maadaama oo uu sugayay kulankii Roma.

Madaxda sarre ee Blaugrana ayaa la filayaa inay marka hore la socon doonaan bandhiga Munir iyaga oo haddii uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigo ka noqon doona qorshaha ay weeraryahan cusub ku doonayaan haddiiba xiddigan laga waayo bandhig joogto ahna kooxda ayaa suuqa u geli doonta weeraryahan kale.

Weeraryahanka wacdaraha ka dhigaya horyaalka Talyaaniga ee Piatek oo ka tirsan kooxda Genoa ayaa ah mid kamid ah xiddigaha ku xusan liiska ciyaartoyda ay Barca suuqa ka doonayso waana mid ay macquul tahay inay dalab ka geeyaan.

Weeraryahan kale oo halis ah oo kooxda lagu soo xoojiyo suuqyada dambe ayaa la filayaa inuu muran badan gelin doono booska Suarez kaas oo u muuqda mid xaalad hoos u dhac ah galay xilli ciyaareedkan.

Dhinaca kale kooxda ayaa la filayaa inay suuqa u gasho goolhaye cusub, Marc Andre Ter Stegen waa dookha koowaad ee kooxda balse Jasper Cilissen ayaa la filayaa inaysan cadayn mudada uu kooxda kusoo negadayo.