Maamulka Kooxda Manchester United Oo Wadahadalo Heshiis Kordhin Ah La Furay Mid Kamid Ah Xiddigaha Uu Jose Mourinho Sida Weyn U Aaminsan Yahay.

Maamulka kooxda Manchester United ayaa miiska wada xaajoodka la fadhiistay daafaca kooxdooda ee Chris Smalling oo kamid ah xiddigaha dhifka ah ee uu tababaraha kooxda ee Jose Mourinho sida aadka ah u aaminsan yahay.

Heshiiska Chris ee wakhti xaadirkan ayaa ah mid ku eeg dhammaadka xilli ciyaareedkan walow ay kooxdiisu dookh u haysato inay hal xilli ciyaareed ku darto haddana labada dhinac ayaa qaba inay wada gaadhaan heshiis cusub oo mudo kordhin rasmiya noqda.

Smalling is set to extend his stay at Old Trafford. AFP

Smalling ayaa haatan mushahar ahaan Red Devils uga qaata aduun dhan £80,000 toddobaadkii balse heshiiskiisa cusub ayaa ah mid horumarin loogu samayn doono mushaharka waxaana loo gaadhsiin doonaa £120,000.

Waxa hubaal ah in Mourinho uusan wax farxad ah ku qabin guud ahaan daafaca kooxdiisa gaar ahaa booska daafaca dhexe ee uu Smalling qaybta ka yahay haddana marnaba ma sababin in xumaado xidhiidhka labada shaqsi.

Tababaraha ayaa markasta kalsooni siinayay Smalling iyo daafaca ree Sweden ee Victor Lindelof waxaana uu si joogto ah ugu soo bilaabayay daafaciisa dhexe walow ay xataa cakirnayd xaaladu.

Si kastaba ha ahaatee, Jose iyo madaxda United ayaa doonaya inay suuqa January kooxdooda kusoo sameeyan xoojin gaar ahaan dhinaca daafaca waxaana la arki doonaa haddiiba isbedelada dhac ay sameeyaan Smalling.