Maamulka Arsenal Oo Gacan Adaygii Ka Baxay, Jamaahiirta U Cadhaysan Oo Ay Ka Farxinayaan & AFARTA Saxeex Ee Ay Sida Deg-Dega Ah U Dhammayn Karaan.

Maamulka sarre ee kooxda Arsenal ayaa u muuqda kuwo ka baxaya gacan adaygii ay kaga cawdeen jamaahiirta kooxdoodu waxaana ay isku dayi doonaan dhammaystirka afar saxeex oo xoojin doona shaxda Unai Emery.

Dhawaan ayuu agaasimaha kooxda ee Josh Kroenke oo ah wiillka mulkiilaha kooxdu ka jawaabay eedaymaha xoogan ee kaga imanaya jamaahiirta kooxdooda isaga oo balan qaaday keenista wajiyo cusub.

Jamaahiir badan oo kamida kuwa Arsenal ayaa su’aal ka keenay sababta ay kooxdu ilaa haatan suuqa ula gashay lacag aad uga hooseysa mida kooxaha ay kula xifaaltamayaan horyaalka iyaga oo ilaa haatan Gabriel Martinelli kula soo wareegay lix milyan.

SIDOO KALE AKHRISO:  Kulanka Furitaanka La Liga Ee Bilbao, Xaalada Lionel Messi, Wararka Neymar Jr Iyo Waxyaabihii Uu Ernesto Valverde Ka Hadlay Ka Hor Kulanka San Mames.

Haddaba, Sida haatan laga soo xigtay wargeyska Mirror, Madaxda sarre ee Gunners ayaa isku diyaarin doona ka shaqaynta afar saxeex oo cusub.

Ugu horreyn,  markii ay kooxdu ka quusatay saxeexa garabka kooxda Crystal Palace ee Wilfred Zaha waxay dareenkeedu u leexin doontaa dhinaca Everton oo ka tirsan Gremio wacdarona kusoo dhigay Brazil tartankii Copa America.

Saxeexa kale ee soo raaca ayaa ah daafaca bidix ee kooxda Celtic ee Kieran Tierney walow uu Neil Lennon sheegay in kooxda ree London aysan wali la kulmin waxay ku qiimaynayaan daafaca bidix ee ree Scotland.

Saxeexa saddexaad ayaa ah Dani Ceballos oo ka tirsan Real Madrid isla markaana ay wararkii ugu dambeeyay sheegayaan in ay Arsenal kaga horreyso kooxda ay xifaaltamaan ee Tottenham oo hore loola xidhiidhinayay.

SIDOO KALE AKHRISO:  Daawo Mohamed Salah Oo Caruur Naafo Ah Kubad La Ciyaaray Iyadoo Liverpool Ay Isku Diyaarineyso UEFA Super Cup

Saxeexa afraad ayaan ahayn mid si toos ah loo magacaabay balse waxa la sheegay inuu noqon doono daafac dhexe maadaama oo uu bixitaan dalbanayo kabtanka kooxda ee Laurent Kosceilny kaas oo xataa ka hadhay safarka kooxda ee Maraykanka.