“Maaliyadii Ugu Horreysay Ee Aan Xidho Waxay Ahayd Mid Theirry Henry Ah, Qoyskaygu Waa Taageere Arsenal Ah” – Xiddig Chelsea Ka Tirsan.

Daafaca dhexe ee kooxda Chelsea ee Fikayo Tomori ayaa waraysi uu dhawaan bixiyay kaga hadlay dhinacyo badan oo ay kamid tahay kooxdii ay qoyskiisu taageeri jireen iyo waliba maaliyadii (Garankii) ugu horreysay ee ciyaaro ah ee uu xidho.

Tomori ayaa xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ku qaadanaya kooxda koowaad ee Blues kaddib heshiis amaah ah oo najaxay oo uu Frank Lampard kula soo qaatay Derby County xilli ciyaareedkii hore.

Fikayo Tomori ayaa fursad ciyaareed iyo kalsooni ka helay Lampard oo kulamo badan ciyaarsiiyay walow uusan joogto ka ahayn shaxda muddooyinkii ugu dambeeyay haddana xaqiiqada ah in Chelsea aysan lahayn laba daafac dhexe oo rasmi ah ayaa siin karta fursad uu markale boos joogto ah ku helo.

Da’yarkan ree Engalnd oo waraysi bixiyay ayaa sheegay in maaliyadii ugu horreysay ee uu xidhay ay ahayd mid uu ku qornaa magaca halyeeyga kooxda ay xifaaltamaan ee Arsenal ee Theirry Henry isla markaana qoyskiisu ay yihiin taageere Gunners ah.

Tomori oo arrimahaas ka hadlaya ayaa yidhi “Waxaan filayaa inay ahayd maaliya Arsenal ah oo Theirry Henry ah, Qoyskaygu waxay ahaayeen taageerayaal Arsenal ah sidaas darteed wakhtigaas midaas ayaan raacayay, Waxaan kaliya ahaa wax ka badan taageere kubadda cagta ah laakiin Henry waxa uu ahaa midka aan ku daydo”.

Dhinaca kale Tomori ayaa la weydiiyay maaliyadihii ugu dambeeyay ee uu xidhay ee ahaa kooxo uusan u ciyaarin waxaana uu sheegay inuu xidho maaliyadaha asxaabtiisa Everton, Arsenal iyo Hull City.

“Waxaan xidhaa maaliyadaha asxaabtayda sidaas darteed waxaan haystaa Alex Iwobi oo Everton ah, Ainsley Maitland-Niles oo Arsenal ah ama Jarred Bowen oo Hull ah (Haatan West Ham ka tirsan), Dadka aan garanayo waxaan xidhaa maaliyadahooda”.