Maalin Murugo Leh, Xidigii Kooxdayada Abid Ugu Fiicnaa Ayaa Baxay- Jamaahiirta Chelsea Oo Eden Hazard U Baroortay.

Real Madrid ayaa ku guulaysatay saxiixa Eden Hazard kadib markii ay heshiis buuxa isla gaadheen kooxda Chelsea oo aqbashay dalabkii ugu danbeeyay ee ay Madrid ka soo gudbisay xidiga reer Belgium.

Chelsea ayaa Eden Hazard ka heli doonta lacag ka badan 100 milyan yuro laakiin jamaahiirta kooxda Chelsea ayaa baroorta xejisan kari waayay waxayna sheegeen in ay maanta tahay maalin murugo leh.

Taageerayaasha kooxda Chelsea ayaa ku dooday in ay maanta u tahay maalin murugo leh maadaama oo ay lumiyeen xidigii abid kooxdooda Blues ugu fiicnaa kaas oo hadda la sugayo in ay Madrid heshiiskiisa si rasmi ah ugu dhawaaqdo.

Real Madrid ayaa 12 bilood kadib ku soo laabtay Chelsea kadib markii ay sanadkii hore qiimo aad u hooseeya ku heshay saxiixa goolhaye Thibaut Courtois kaas oo olole ugu jiray in Eden Hazard uu Bernabeu kula soo biiro.

SIDOO KALE AKHRISO:  DALAB CUSUB: Barcelona Oo Dalab Cusub Oo Ay Ku Doonayso Neymar U Gudbisay PSG & Faah-Faahinta Waxa Uu Kaga Duwan Yahay Dalabaadkii Hore.

Laakiin qaar ka mid ah taageerayaasha Chelsea oo horeba uga quustay joogitaanka Eden Hazard ayaa boodhka kooxdooda ku bogaadiyay in ay lacag 100 milyan yuro ah ka sameeyeen xidig si xor ah ku bixi kari lahaa 12 bilood kadib maadaama oo uu heshiiskiisu dhamaad yahay.

Laakiin taageere ka tisan Cheslea ayaa ka murugysan in Tottenham ay Eriksen ku doonayso lacag 100 milyan gini ka badan isla markaana ay kooxdiisa Chelsea aqbashay dalabka Real Madrid ee 88 milyan gini ku kacaya ee u dhigma 100 ka milyan yuro.

Taageerahan ayaa soo qoray: “Marka ay jiraan wada hadalka Eriksen ee ay ku doonayaan 100 milyan inka badan, maanta waa maalin murugo leh in Hazard uu yahay 88 milyan gini, suuqu gorgortan xaqiiq ah”.

SIDOO KALE AKHRISO:  Ma Hubaal Ayay Noqotay In Alisson Becker Uu Seegayo Kulanka Chelsea Ee UEFA Super Cup? Xogtii Ugu Dambaysay Halkan Ka Akhriso.

Taageere kale ayaa soo qoray: ‘Dabiiciyan waan murugaysanahay, laakiin in aad 130 milyan ka hesho Hazard kaas oo 7 bilood kadib si xor ah ku bixi kara waa shaqo cajiib ah oo ka timid boodhka”.

Taageere kale ayaa soo qoray: “Marka la tixgaliyo in Barcelona ay 140 milyan ka bixisay Coutinho, 88 milyan waxay Hazard ku tahay heshiis cadaab ah”.

Taageere kale ayaa Pogba iyo Hazard qiimahooda isbarbar dhigay wuxuuna soo qoray: “88 milyan kaliya? isla markaana Paul Pogba waxa uu ku qiimaysan yahay 80 milyan. Kubbada cagtu waa waali. Anigu 40 milyan kamaan bixiyeen Pogba haddii uu Eden Hazard goynayo 88 milyan kaliya”

SIDOO KALE AKHRISO:  RASMI: Maalin Kaddib Xidhitaankii Suuqa Premier League, Man City Oo Heshiis Wakhti Dheer Ah Ka Saxeexatay Xiddig Liverpool Mar Lala Xidhiidhiyay.

Baraha bulshada ayay jamaahiirta Chelsea ku soo bandhigeen dareenkooda murugada leh ee ay ka qaadeen qiimaha iyo bixitaanka Hazard.

Halkan kaga bogo Waxqabadkii Eden Hazard ee Waayihiisii CIyaareed Ee Chelsea:;

Kulamadii Uu Chelsea U Saftay: 352 Kulan

Goolashii uu Chelsea u Dhaliyay: 110 Gool

Gool Caawintii Uu Chelsea U Sameeyay: 92 Gool Caawin

Koobabkii Uu Chelsea Kula Guulaystay:  Premier League (2014-15, 2016-17), FA Cup (2017-18), League Cup (2014-15), Europa League (2012-13, 2018-19)