Maaha Neymar JR & Lautaro Martinez!! – Xiddiga Lama Filaanka Ah Ee Ay Barcelona Saxeexiisa Waxkasta U Samaynayo Oo Banaanka La Keenay

Barcelona ayaa suuqa xagaagan 2020 lala xidhiidhinayaa ciyaartoy badan oo ay ugu magac weyn yihiin garabka Paris Saint-Germain ee Neymar iyo dhaliyaha da’yarka ah ee Inter Milan ee Lautaro Martinez.

Saxaafada Spain gaar ahaan wargeyska xog ogaalka u ah Barca ee Mundo Deportivo ayaa shaaca ka qaaday in xiddigahaasi aysan muhiimada koowaad u ahayn kooxdaas balse ay xooga saari doonto khadka dhexe ee Juventus ee Miralem Pjanic.

Xiddiga heer caalami ee xulka qaranka Bosnia ayaa u muuqda mid la heli karo suuqa soo socda xilli tababare Maurizio Sarri oo bar-tilmaameedsanaya Jorginho oo Chelsea ka tirsan iyo Arthur Melo oo Barcelona ahi uu doonayo inuu cusboonaysiiyo dhexdiisa,

Bogga hore ee wargeyska Mundo Deportivo ayaa saaka lagu qoray in Barcelona ay doonayso Pjanic maadaama oo uu yahay nin ka ciyaari kara boosaska kala duwan ee khadka dhexe.

Warbixinta ayaa intaas ku daraysa in Barcelona ay jeclaan lahay inay heshiis ciyaaryahano is-dhaafsi kula saxeexato Pjanic balse haddii ay ka fursan weydo ay xataa lacag ku bixinayso oo ay kaliya muhiimada siinayso sida ay gacanta ugu dhigi lahayd.

Sida ay sheegayaan warbaahinta kala duwani, 30 sano jirkan oo ka warqaba in heshiiska uu koox u saxeexa uu noqon doono midkiisii ugu dambeeyay ee weyn ayaa Barca u sheegay jawaabtiisa ah inuu doonayo inuu kusoo biiro.

Miralen ayaa shan sano oo ah min 2011 ilaa 2016 ku qaatay AS Roma kahor intii uusan Juventus ku biirin oo uusan kula soo guuleysan saddex horyaal iyo laba Coppa Italia.

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook