Maaha Hadal Nin Weyn!! – Tababare Unai Emery Oo Hadal Ceeb Ku Ah Sumcada Kooxdiisa Arsenal Ka Sheegay Shirkiisa Jaraa’id Ee Kulanka Leicester.

Advertisements

Tababaraha kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa markale biyo kulul dhexda kaga dhacay kaddib hadal aan qaban sumcada iyo sharafta kooxdiisa oo kasoo yeedhay kahor kulanka ay caawa booqanayaan kooxda Leicester City.

Arsenal ayaa booqanaysa King Power Stadium iyaga oo aan mudo guul soo gaadhin isla markaana ay kooxda ka dhex taagan yihiin dhibaatooyin kale oo ay kamid tahay dhibaatada dhex martay kabtankii kooxda ee Granit Xhaka iyo jamaahiirta.

Advertisements

Xhaka iyo jamaahiirta Emirates Stadium ayaa si buuxda u kala dhaqaaqay kulankii Crystal Palace kaddib markii ay taageerayaashu ku oriyeen iyadoo bedel lagu samaynayo Xhaka isna uu ku yidhi erayga “F**k Off”.

Si kastaba, Hadalka aysan jeclaysan doonin taageerayaashu ee Emery sheegay ayaa ah inay natiijooyinka kooxdiisu yihiin kolba dhinaca laga eego gaar ahaan kulamadii ugu dambeeyay ee bar-bardhaca u badnaa.

Advertisements

Tababaraha ree Spain ayaa sheegay in haddii laga eego dhinaca xun bar-baraha ay kasoo baxayaan inaysan guuleysan balse haddii dhinaca wanaagsan laga istaago la fahmi karo in bar-baruhu uu guuldarrada ka wanaagsan yahay.

Hadalkaas ayaan ahayn mid qabta sumcada koox weyn oo ujeedadeeda koowaad tahay inay guul u tartanto iyadoo uu dood kale ka dhex abuuri karo Unai iyo jamaahiirta cadhaysan.

Hadalka Emery ayaa u dhignaa sidan “Waanu bar-baraynaynay kulamadii ugu dambeeyay, Kulamadaas si xun ayaynu u arki karnaa sababtoo ah maanu guuleysan ama si wanaagsan sababtoo ah maanu guuldarraysan”.

Advertisements