TARTANKA GADHKA: Sidee Ayay Xiddigaha Adduunku U Ekaan Lahaayeen Haddii Ay Gadh Weyn La Bixi Lahaayeen?

Kubadda cagta waxa fasax geliyey musiibada dunida ka yaabisay ee Coronavirus oo galaaftay nolosha dad tiro badan, malaayiin kalena ku qasabtay inay guryahooda joogaan oo aanay dibedda u bixin.

Wargeyska The Sun ee kasoo baxa UK ayaa waxa uu akhristeyaashiisa usoo bandhigay sawirro maad ah iyo su’aal la socotay oo ahayd; Sidee ayay Cristiano Ronaldo, Lionel Messi iyo xiddigaha kale ee caalamku u ekaanayaan haddii ay gadh weyn la baxaan?

Waxa uu wargeysku soo bandhigay sawirro lagu sameeyey Photoshop oo gadh weyn loogu sameeyey ciyaaryahanno ay ka mid yihiin Lionel Messi, Ronaldo, Rooney, Neymar, Harry Kane, Kevin de Bruyne, Marcus Rashford iyo xiddigo kale, waxaana laacib kasta gadhkiisa loo ekaysiiyey midabka timaha madaxiisa amaba inta yar ee marka hore ay qaarkood lahaayeen.

Lionel Messi iyo Wayne Rooney marar badan ayay garoomada soo galeen iyagoo gadh leh, sidaas oo kalena waxa sameeyey Neymar, hase yeeshee Kevin de Bruyne, Rashford iyo Kane waxay yihiin xiddigaha ku xarragooda inay gadhkooda xiiraan marka laga reebo waqtiyo uu weeraryahanka xulka England waxyar oo aan badnayn daysto laakiin aan u dhoweyn midka hadda loo reebay.

Marouane Fellani oo ka mid ah ciyaaryahannada Muslimka ah, ayaa markii loo sameeyey gadh weyn waxa uu u ekaaday culimada Baakistaaniyiinta ah ee u go’ay dacwadda diinta Islaamka, sidaas oo kalena Mohamed Salah ayaa sheekh Carbeed u muuqaal ekaaday.

Halkan ka daawo sawirrada ciyaaryahannada gadhka loo sameeyey: