MAAD: Jamaahiirta Barcelona Oo Fariin Isku Mid Ah Ku Soo Dhaweeyay Goolhaye Thibaut Courtois Iyo Xusuusta Ceebtii Uu Lionel Messi Kagala Kulmay Camp Nou.

Kooxda Real Madrid ayaa xalay si rasmi ah ugu dhawaaqday heshiiska goolhayihii kooxda Chelsea ee Thibaut Courtois iyada oo ka soo bixisay 35 milyan gini waxayna Real Madrid maanta ka dhigtay maalinta Thibaut Courtois uu mari doono tijaabada caafimaadka isla markaana ay saxaafada u soo bandhigi doonto isaga oo qaban doona shirkiisii jaraa’id ee ugu horeeyay isaga oo ciyaartoy Real Madrid ah.

Laakiin jamaahiirta kooxda Barcelona ayaan waqti badan iska lumin si ay fariin ugu diraan Thibaut Courtois isla markaana ay ugu maadsadaan ciqaabtii uu kala soo kulmay xidiga kooxdooda ee Lionel Messi. Thibaut Courtois ayaa hore La Liga ugu soo qaatay saddex xili ciyaareed markii uu kooxda Atletico Madrid amaahda ku joogay laakiin xusuusta ugu xun ee jamaahiirta Barca ugu maadsanayaan Thibaut Courtois aya ahayd dhacdooyinkii xili ciyaareedkii hore.

Thibaut Courtois ayaa dhibaatooyin aan xad lahayn kala soo kulmay Lionel Messi isaga oo kulankii Camp Nou ee Champions League ee xili ciyaareedkii hore markaas oo uu Messi dariiq ka dhigtay lugaha Courtois dhexdooda markaas oo uu laba gool ka dhaliyay isla markaana uu bahdilaad ku sameeyay goolhayaha ree Belgium.

Kadib kulankaas waxa uu Thibaut Courtois si aan gabasho lahayn uu u qirtay in Lionel Messi uu fahmay gol dalooladiisa ah in uu u liito kubbada la hoos mariyo lugihiisa waana sababta ayna jamaahiirta Barcelona wax walwal ah ugu keenin in Courtois uu Madrid ku soo biiray balse ay maad uga dhigteen.

Fariimo qoraal ah, sawiro iyo muulaalo la soo dhigay baraha bulshada gaar ahaan barta twitterka ay jamaahiirta Barcelona ku soo dhaweeyeen Thibaut Courtois iyaga oo u muujiyay in Messi uu ku raaxaysan doono marka ay Madrid iskaga horyimaadaan La Liga.

Aan soo qaadano qaar ka mid ah fariimaha Courtois loogu soo dhaweeyay Real Madrid ee ay jamaahiirta Barcelona ugu diganayaan waxaana ka mid ah Positiespel oo soo qaatay muuqaal cajiib ah oo uu Lionel Messi ku burburinayo Courtois waqtiyadiisii Atletico Madrid iyo Chelsea. 

Wuxuuna muuqaalka hoose soo raaciyay: “Courtois, ku soo dhawow Rela Madrid. Messi ayaa doonaya in uu kugu madadaasho”. Halkan ka daawo muuqaalka uu fariinta soo raaciyay ee Courtois xuususta xun ku ah.

Mid kale oo ay ugu qoran tahay Naif ayaa isna soo qaatay sawirka Courtois iyo Lionel Messi oo xidiga ree Argentina kubbada ka dhex xaarayo lugaha Courtois wuxuuna soo raaciyay qoraalkan: ” Courtois dib ugu soo dhawow La Liga. Waxaa halkan jira tuunayd badan oo Elclasico-da ah, kama fiicnid Caasillas kaas oo uu Messi isaga oo da’yar ah burburiyay. Kalya xusuusnow in aad lugahaaga si dhaw iskugu hayso”.

Laakiin taageere kale oo ay ugu qoran tahay Idil ayaa xog ahaan ku soo bandhigay xaalada Courtois iyo Messi wuxuuna soo qoray: ” Madrid waxay si rasmi ah ula saxiixatay Tunnelka. Messi waxa uu 9 gool ka soo dhalyiay Courtois 13 kii kulan ee uu ka hor yimid isaga, waxaan leeyahay dareenka ah 0.7 gool kulankiiba ah in ay si deg deg ah u kordhi doonto”.

Fariimo aan halkan lagu soo koobi karin balse isku fikrad xambaarsan ayay jamaahiirta kooxda Barcelona ugu soo dhaweeyeen Courtois iyaga oo aan wax walwal ah ka muujin saxiixa Madrid ee Courtois. Courtois ayaa maanta si rasmi ah saxaafada loogu soo bandhigi doonaa isaga oo kadib isku diyaarin doona in uu Navas kula tartamo goolhayaha kowaad ee Madrid.