Ma Yahay Dalabkii Ugu Dambayn Pogba Gayn Lahaa Bernabeu? Dalab Weyn Oo Ka Kooban LABA Ciyaartoy +85 Milyan Oo Ay Real Madrid U Diyaarisay Paul Pogba Oo La Ogaaday.

Kooxda Real Madrid iyo madaxweynaheeda Florentino Perez ayaa lagu soo warramayaa inay maleegayaan qorshe cusub oo ay doonayaan inay ku qanciyaan Manchester United si ay ugala wareegaan khadka dhexe ee Paul Pogba.

Los Blancos ayaa suuqii xagaaga wakhti badan ku bixiyay raacashada xiddiga ree France iyo xiisaha ay u muujinayeen balse United ayaa kahor istaagtay iyaga oo u caddeeyay inuusan iib ahayn meelna u soconin.

Diidmadii xagaaga ee Manchester United ay ku gacan saydhay iibka Paul ayaan marnaba baabiinin xiisahii Madrid ay u qabtay saxeexiisa gaar ahaan tababare Zinadine Zidane oo si weyn taageere ugu ah.

Waxa ugu weyn ee is-fahan labada dhinac dhex hor taagan ayaa ahaa qiimaha Pogba uu suuqa ku joogo oo 188 Milyan oo euro ahaa taas oo ah waxa ay Real Madrid doonayso inay hoos u dhigto wado kasta oo ay martaba.

Advertisements

Sida lagu sheegay wargeyska El Desmarque, Madaxweyne Perez ayaa diyaar u ah inuu Man United suuqa bisha January miiska u saaro dalab ka kooban 85 Milyan oo lagu daray laba xiddig oo kooxdiisa ah.

Labadaas xiddig ayaa kala ah James Rodriguez iyo Mariano Diaz, James ayaa isagu ah mid horeba mudo loola xidhiidhinayay Manchester balse waxa uu shaki ku jiraa taam ahaanshihiisa maadaama oo ay dhaawacyo kusoo laab-laabteen dhawaanahan.

Dhinaca kale Diaz qudhiisa ayaa lala xidhiidhinayay United maadaama oo uu leeyahay dabeecado ciyaareed oo uu lahaa tababare Ole Gunnar Solskjaer wakhtigiisii ciyaartoynimo taas oo ah inuu goolal dhaliyo isaga oo aan wakhti badan u baahan.

Natiijada sawirka Pogba James and Mariano

 

Advertisements