Ma Xusuusataa Balantii Uu Gary Lineker Fuliyay Ee In Uu Nigis Ku Tabiyay Barnaamijka MOD? Balan Kale Oo U Qaaday Koox Layaab Dhigaysa.

Halyaygii hore ee xulka qaranka England iyo kooxaha Leicester City iyo Barcelona ee Gary Lineker ayaa markale balan qaaday in uu samayn doono arag adag haddii koox layaab dhigaysa xili ciyaareedkan ay samayso wixii ay Leicester City samaysay markii ay koobka premier league sida layaabka leh ugu guulaysatay.

Gary Lineker oo ka mid ah khabiirada kubbada cagta ee aduunka ugu saaamynta badan isla markaana ah daadihiyaha barnaamijka Match Of The Day ee BBC Sport ka baxa isla markaana khabiir kubbada cagta ah ka ah BT Sport gaar ahaan tartanka Champions League ayaa balan wayn ku hor qaaday barnaamijkii xalay ee MOD.

Gary Lineker ayaa sanadkii 2016 kii fuliyay balan qaad ahaa in uu haddii Leicester City ay ku guulaysato koobka Premier league in uu barnaamijka caanka ah ee MOD uu tabinayo isaga oo nigis kaliya xidhan taas oo uu kaga dhabeeyay isla markaana uu tabiyay isaga oo nigis kaliya xidhan.

Markale balantan oo kale waxa uu Gary Lineker u qaaday kooxda reer Scotland ee Kilmarnock oo si layaableh hogaanka ugala wareegtay kooxaha awooda badan leh ee Celtic FC iyo Rangers FC iyada oo kooxda Kilmarnock guul ka gaadhay kooxda Livingston.

Aktarka Steven Cree‏ ayaa Gary Lineker waydiiyay in haddii kooxda Kilmarnock ay ku dhamaysato halka ugu saraysa ee horyaalka Scotland in uu barnaamijka Match Of The Day uu ku baahin doono isaga oo xidhan nigiska kooxda Kilmarnock iyo sharabaadada/sigisaanta kooxda Kilmarnock.

Laakiin Gary Lineker ayaa si layaableh u aqbalay in haddii ay kooxda Kilmarnock ay ku dhamaysato kaalinta kowaad ee horyaalka Scotland in uu tabinta tooska ah ee barnaamijka MOD uu ka soo muuqan doono isaga oo xidhan nigiska iyo sharabaadada kooxda Kilmarnock.

Kala Saraynta Horyaalka Soctland Ee Ay Hogaanka U Qabtay Kooxda Layaabka Dhigaysa Ee Kilmarnock:

Kooxda Branden Rodgers ee Celtic iyo kooxda uu Steven Gerrard hogaaminayo ee Rangers ayaa kaalinta kowaad iyo labaad ku kala jira iyada oo horyaalka Scotland uu xili ciyaareedkan noqday mid gabi ahaanba ka duwan sidii uu soo ahaa todobadii xili ciyaareed ee ugu danbeeyay oo ay Celtic iska lahayd.