Ma Wuxuu Qayb Ka Noqon Doonaa Dib U Dhiska Real Madrid Mise Juventus Ayaa Dib Ula Saxeexan Doonta? Kooxda Gacanta Sarre Ku Leh Saxeexa Paul Pogba Oo La Shaaciyay.

Kooxaha Juventus iyo Real Madrid ayaa loo arkaa labada kooxood ee kaliya ee doonaya inay la saxeexdaan khadka dhexe ee Manchester United Paul Pogba kaas oo u muuqda mid haya wadadii uu kaga bixi lahaa Old Trafford.

Real Madrid ayaa wada qorshe ay kooxdeeda dib ugu dhisayso waxaana ay haatanba la saxeexatay xiddigo uu ugu horreeyo Eden Hazard halka Juventus ay wali diirada ku hayso saxeexa tababare cusub oo ay kooxdeedu yeelato.

Wararka ayaa haatan sheegaya in kooxda ree Talyaani ee Juventus ay tahay mida labadan kooxood ku horreysa kuna dhaw saxeexa Pogba maadaama agaasimaha kooxdaas ee Fabio Paratici uu kulan la yeeshay madaxda Man United.

Paratici ayaa ku sugnaa magaalada London si uu u dhameeyo heshiiska ay Chelsea kagala wareegayaan tababare Maurizio Sarri balse midaas ayaan ahayn qorshaha kaliya ee uu halkaas u tagay.

Sida laga soo xiganayo kanaalka Sky Sports, Paratici ayaa u socdaalay xafiisyada Red Devils ee magaalada London si uu halkaas si fool ka fool ah ugu wajaho madaxda United.

Pogba ayaa hore ugu soo qaatay afar xilli ciyaareed Bianconeri balse inuu markale u wareego ayaa haatan ah mid meesha taala walow Sky Sports lagu xusay in wada hadalada labada dhinac ay marayaan wali marxalad hore.

Wararka ayaa intaas ku daraya in wadahadaladan uu ka dhex muuqday magaca daafaca Juventus ee Joao Cancelo kaas oo ay macquul tahay inuu dhinaca United usoo wareego haddii is af-garad la gaadho.

Warka kale ee farxada u ah Juventus ayaa ah in wakiilka Pogba ee Mino Raiola haatan uu u furan yahay inuu la xaajoodo kooxaha Talyaaniga kaddib markii xidhiidhka kubadda cagta ee dalkaas uu ka qaaday ganaax saddex bilood ahaa.