Ma Tahay Shaxdani Shaxdii Ay Man United Ugu Soo Laaban Lahayd Booskeedii Kubbada Cagta England Iyo Yurub?

Qaab ciyaareed aan wanaagsanayn oo bilowgii fasal ciyaareedkan ay Manchester United ku bilaabantay kaddib, Ole Gunnar Solskjaer waxa uu dib u helay neefsi fiican bilihii ugu dambeeyey, waxaana uu guul-darro ka badbaaday dhamaan 11-kii ciyaarood ee ugu dambeeyey oo aan dhinacooda dhulka la dhigin.

In United ay ka qayb-gasho tartanka Champions League, kaliya waxa ka  xigta in hal ciyaar laga badiyo Chelsea oo saddex dhibcood ka horreysa, iyaguna ay sii wadaan bandhiggooda wanaagsan.

Sidaas oo ay tahay, Ole Gunnar Solskjaer kuma qanacsada kooxda uu hadda haysto, waxaanu doonayaa inuu sare u qaado tayadeeda, si uu toddoba sannadood kaddib uga dhigi karo horyaalka oo ay ugu guuleysan karaan Premier League oo ay ugu dambaysay xiligii uu joogay Sir Alex Ferguson.

Qanac la’aantani waxay la xidhiidhaa dhinaca tayada, waxaana u calaamadsan dhawr meelood oo uu rabo inuu ka xoojiyo marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyga ee xagaagan.

Difaac adag oo uu ku lammaaneeyo Harry Maguire oo si rasmi ah u xidhnaanaya kabtanka kooxda, ayaa ah doorashada ugu horreysa ee uu samaynayo, waxaase u raacaya labada garab ee weerarka oo ciyaartooyo orod iyo farsamo badan uu ka rabo.

Khadka dhexe ayaa sidoo kale uu hal ciyaartoy u doonayaa, waxaanay wadarta laacibiinta uu keeni doono Old Trafford ay noqon doonaan afar, sida ay warbaahinta Ingiriiska qaarkood oo aanu kasoo xiganay warkan ay baahiyeen.

Difaaca reer Senegal ee Kalidou Koulibay oo marar badan lala xidhiidhiyey Manchester United ayaa Ole uu isku dayi doonaa inuu soo iibsado, sidoo kalena, Jadon Sancho, Thomas Lemar iyo Jack Grealish ayaa iyagana uu saxeexyadooda ka shaqayn doonaa.

Shaxda ayaa waxay ka koobnaan doontaa 4-3-3, waxaana gebi ahaanteedba ka maqnaan doona xiddiga reer France ee Paul Pogba oo sida ay wararku sheegayaan la iibin doono maadaama aanu rabin inuu qandaraas cusub saxeexo, sidoo kalena uu heshiiskiisu dhamaanayo 12 bilood kaddib.

Waxa kale oo aanu shaxdan boos uga bannaanayn ruug-caddaaga Nemanja Matic iyo laacibka reer Brazil ee xili ciyaareedkan waxqabadkiisa taageereyaashu u bogeen ee Fred. Laakiin, waxa lama taabtaan u ahaanaya, Bruno Fernandes iyo da’yarka Scott McTominay.

Labada baalood ee difaaca ee Luke Shaw iyo Aaron Wan-Bissaka ayaa boosaskooda xajisan doona, halka David de Gea aanay cidina kula gorgortami doonin booskiisa inkasta oo la sheegayo inay United dib usoo ceshan doonto Henderson oo ah goolhayaha kooxda Sheffield United oo bandhig layaab leh sameeyey xili ciyaareedkan.

Shaxda Manchester United ugu guuleysan karto Premier League xili ciyaareedka dambe

Goolka: David de Gea

Difaaca: Harry Maguire, Kalidou Koulibaly, Wan-Bissaka, Luke Shaw

Dhexda: Scott McTominay, Bruno Fernandes, Jack Grealish

Weerarka: Jadon Sancho, Thomas Lemar, Marcus Rashford

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook