Ma Sidan Waalida Ah Ayuu U Doonayaa!! – Messi Oo Qaaday Talaabo Lama Filaan Ah Oo Uu Barcelona Ku Keenayo Lautaro Martinez

Adrian Ruben Fernandez oo ah madaxweynaha kubadda cagta ee kooxda Racing Club kana mid ahaa ragii kooxdaas kusoo saaray weeraryahanka Inter Milan ee Lautaro Martinez ayaa hada ka faalooday xaaladiisa iyo wararka Barcelona la xidhiidhinaya.

Martinez ayaa loo arkaa inuu yahay bar-tilmaameedka koowaad ee Barcelona ee suuqa xagaaga sanadkan waxaana warkaas sii xoojiyay amaan uu dhawaan ugu qubeeyay 22 sano jirkaas kabtanka Barcelona ee Lionel Messi.

Iyadoo hore loo ogaa halka ay xaaladu maraysay ayuu haatan war cusub sheegay Adrian Ruben Fernandez kaas oo sheegay xaqiiqada wararka ah in Lionel Messi uu taleefan ku wacay Lautaro isla markaana uu u sheegay inuu Barca ka doonayo.

Dhinaca kale Fernandez ayaa sheegay inuu Martinez bedel wanaagsan u noqon doono Luis Suarez, marka dhinaca ciyaartoyda Argentina laga eego uu lamid yahay Sergio Aguero isla markaana uu Messi lasii ciyaari doono sanado.

“Messi ayaa isaga wacay waxaana uu si dhakhso ah uga doonayaa dhinaciisa, anigu wax shaki ah kama qabo” Ayuu hadalkiisa ku bilaabay Adrian Ruben Fernandez oo u warramayay SPORT.

“Sababtaas darteed, heshiiska uu Barcelona ugu saxeexayaa waa mid xilli horeba dhaw, waan ogahay inay arrimuhu si wanaagsan ugu socon doonaan Barcelona isla markaana uu Lautaro bedel wanaagsan u noqon doono Luis Suarez”

“Dhinaca ciyaartoyda Argentina, isagu waxa uu leeyahay tayooyin lamid ah Sergio Aguero, waxaan filayaa inuu wadadaas hayo oo uu qaadan doono waayo ciyaareed oo guul ah sidiisa oo kale, waxaan xataa odhan lahaa Lautaro ayaa kaga wanaagsan kubaddaha sarre iyo in badan lugtiisa bidix”

“Waxa uu la ciyaarayaa ciyaaryahanka ugu wanaagsan dunida, kaas oo wali 32 sano jir ah oo wali haysta saddex ilaa afar sano oo ka horreeya”

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook