Ma Sidan Oo Dhan Ayay Ugu Waalan Yihiin- Liiska Shanta Ciyaartoy Ee Ay Barcelona Doonayso In Ay Inter Milan Kaga Hesho Saxiixa Lautaro Martinez Oo Faah Faahin Laga Helay.

Tirada ciyaartoyda Barcelona ka tirsan ee ku lug lahaan doona heshiiska ay Barcelona ku doonayso gool dhaliyaha kooxda Inter Milan ee Lautaro Martinez ayaa xog badan laga helay.

Maamulka kooxda Barcelona ayaa u muuqda kuwo ay ka go’an tahay sidii ay ku heli lahaayeen saxiixa Lautaro Martinez marka uu suuqa xagaagu dib u furmo iyaga oo doonaya in ay dhawr ciyaartoy oo kooxdooda ah u diraan Inter Milan.

Wargayska Sport ee ka soo baxa magaalada Barcelona ayaa shaaciyay in Barcelona ay saxiixa Lautaro Martinez si dhab ah u doonayso balse ayna Inter Milan si sahlan ku fasixi doonin xidiga reer Argentina.

Wargayska Corriere dello Sport oo ka soo baxda dalka Talyaaniga ayaa shaaciyay in shan ciyaartoy oo Barcelona ka tirsani ay qayb ka noqon doonaan heshiiska ay Barca ku baadi goobayso saxiixa Martinez.

Inkasta oo shantan ciyaartoy ayna hal mar qayb ka wada noqon karin heshiiska ay Barca ku doonayso Martinez, haddana qaar ka mid ah ayaa siyaabo kala duwan uga mid noqon kara.

Ciyaartoyda ay Barcelona ku lifaaqi karto dalabka heshiiska ay ku doonayaan Lautaro Martinez waxay kala yihiin  Nelson Semedo, Arthur Melo, Arturo Vidal, Carles Alena iyo Jean-Clair Todibo iyada oo labada magac ee danbe ay amaah hadda ugu maqan yihiin kooxaha Real Betis iyo Schalke 04 sida ay u kala horeeyaan.

Inkasta oo Nelson Semedo iyo Arthur Melo ay yihiin laba ciyaartoy oo shaxda Setien muhiim ka ah, haddana warkan ayaa lagu sheegay in midkood uu qayb ka noqon karo heshiiska ay Barca ku doonayso Lautaro Martinez.

Kooxda Inter Milan ayaa la sheegayaa in ay Lautaro Martinez ku qiimaynayso 150 milyan gini laakiin maamulka Barcelona ayaa lacagtan inteeda badan u badali kara ciyaartoy iyada oo kuwa magacyadooda la sheegay ay ka mid noqon karaan.

Maamulka madax wayne Bartomeu oo xili suuqyadii hore ku soo fashilmay ciyaartoy ay lacago badan ku kharash gareeyeen ayaa wali u muuqda in uu raadinayo Lautaro Martinez iyo Nerymar Jr oo marakle ay lacago badani kaga bixi doonaan.

Barcelona waxay bartilmaameedka kowaad ka dhiganaysaa sidii ay Neymar Jr ugu soo celin lahayd Camp Nou waxayna sidoo kale muhiimad wayn siinaysaa in Lautaro Martinez uu noqdo badalka Luis Suarez.