Ma Saaxiibkiisa Kooxda Mise Saaxiibkiisa Xulka? Da’yarka Barcelona Iyo Xulka Holland Ee Frankie De Jong Oo Ballon d’Or U Kala Doortay Messi Iyo Van Dijk.

Da’yarka khadka dhexe ee kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Netherlands ee Frankie De Jong ayaa shaaca ka qaaday xiddiga uu u rajaynayo abaalmarinta Ballon d’Or oo caawa la bixinayo xilli ay loolanka ku jiraan shaqsiyaad aad ugu dhawi.

Labada tartame ee ugu xoogan ayaa kala ah Lionel Messi oo ah kabtanka Barca ee De Jong iyo kabtankiisa xulka Netherlands ee Van Dijk oo Liverpool ka socda.

Van Dijk ayaa mudo dheer loo arkayay midka abaalmarintan ugu cad cad kaddib guushii UEFA Champions League ee uu ku hoggaamiyay Reds balse inta ugu badan wararka dhawaanahan soo baxayay ayaa sheegaya in Messi uu yahay guuleystaha caawa,

Si kastaba, Frankie oo la weydiiyay ciyaartoyga uu u arko midka u qalma Ballon d’Or ayaa sheegay in Van Dijk uu soo qaatay xilli ciyaareed layaab leh balse uu Messi oo uu ku sifeeyay midka ugu wanaagsan dunidu u qalmo hanashadeeda.

Advertisements

De Jong oo Van Dijk iyo Messi kala dooranaya ayaa yidhi “Aniga ahaan in badan ayaa sheegay laakiin Messi ayaa ah midka ugu wanaagsan dunida sidaas darteed waa inuu isagu ku guuleysto”.

“Van Dijk waxa uu soo qaatay xilli ciyaareed cajiib ah, Isagu waa daafac fiican iyo mid kamida ciyaartoyda ugu wanaagsan dunida, Laakiin Messi wuu ka sarreeyaa masaafo dheer ayuuna ku yahay midka ugu wanaagsan”.

Waxa hubaal ah inaan la rumaysan karin xogta laga helayo saxaafada iyo shaqsiyaadka ay u saadaalinayaan hanashada abaalmarinta ilaa si rasmi ah caawa wargeyska abaalmarinta bixiya ee France Football uu si rasmi ah u shaaciyo.

Advertisements