Ma Rumaysan Kartid!! – Raheem Sterling Oo Sheegay Kooxda Uu Taageeri Jiray Carruurnimadiisii.

Garabka kooxda Manchester City ee Raheem Sterling ayaa sheegay kooxda uu taageeraha weyn u ahaan jiray wakhtigiisii carruurnimo ee aan ahayn kooxdiisa haatan iyo Liverpool oo ah kooxdii uu kusoo hilaacay sanado kahor.

Sterling ayaa shaaciyay inuu ahaa taageere Manchester United ah waana kooxda ay cadaawada ugu weyni haatan kala dhaxayso maadaama oo uu usoo wada ciyaaray Liverpool oo ay xuduudaha England ku xifaaltamaan iyo City oo ay magaalada Manchester isku hayaan.

Sterling ayaa sheegay inuu kusoo ag koray agagaarka gegida xulka England ee Wembely balse markii ugu horreysay ee uu halkaas tagay ay ahayd kulankii Man United oo uu taageerayay ay Final-ka FA Cup guuldarrada kala kulantay Chelsea.

Sterling oo dhawaan caruur dhigaya dugsigiisii carruurnimo kasoo bixiyay tikidhada kulan ay Wembely kula ciyaareen Brighton ayaa qudhiisu haatan sheegay inuu Final-kii dhex maray United iyo Chelsea uu tikidhka ku helay hadiyaad ahaan dugsigiisa kaga timid.

Sterling ayaa yidhi “Waxa ay ahayd Final-kii 2007, May ahayn inaan dhab ahaantii sidan yidhaahdo maaha imika, Laakiin markii aan yaraa waxaan ahaa taageere weyn oo United ah, Waxaan xidhnaa maaliyad United ah oo hore oo ah markii ugu dambaysay ee ay ku guuleysteen FA Cup”

“Inaan garoonka joogay waxay ahayd wax cajiib ah, Waxay ahayd wax aan la rumaysan karin taasina waa markii aan isku dayay inaan tikidhada siiyo iskuulka, Waxaan ahaa mid aad ugu dhaw garoonka oo aan tagin halkaas wax hal mar ka badan”

“Haddii laba ama saddex caruurta ah la dhiiri-gelin karo kaddib taasi waxa ay ahayd waxaan isku dayayay inaan sameeyo, Si buuxda sidaasi waa wixii aan dareemay wakhtigaas”

“Haddii uu joogo ilmo yar oo fursad u haysta inuu noqdo ciyaartoy kubadda cagta ah, Waxaan ku rajo weynahay inaan taasi iyaga siin doonto dhiiri-gelin ama hore u riixid ay ku bedelaan riyooyinkooda”

Be the first to comment

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.