Ma Ogtahay Inaan Cristiano Ronaldo Laga Buun-Buunin Qolka Labiska Juventus Ee Uu La Siman Yahay Ciyaartoyda Kale? Emre Can Oo Xog Dahsoon Oo La Jeclaystay Soo Tabiyay

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Juventus ee Emre Can ayaa banaanka keenay xog cusub oo dahsoonayd oo sharaxaysa waxa ka dhex jira qolka labiska ee kooxda iyo sida xiddigaha Bianconeri ay qoys u yihiin.

Emre Can ayaa Juve ku sifeeyay koox qoys waxaana uu sheegay inaanay jirin wax dheeraad ah iyo in si khaas ah loola dhaqmo xiddiga kooxda ee Cristiano Ronaldo.

Can ayaa haatan u muuqda mid helay kalsoonida tababaraha kooxda ee Allegri oo boos joogto ah ka siiyay kooxda waxaana uu samaynayaa bandhigyo wacan walow imaatinkiisa kooxda uu qariyay imaatinka Critsiano oo 19 gool kusoo dhaliyay 25 kulan ee Serie A.

Haddaba, Can ayaa ugu horreynba xamaasada qolka labiska ee Juve la bar-bardhigay midka kooxdiisii hore ee Liverpool isaga oo intaas ku daray in xiddiguhu ay siman yihiin ilaa Ronaldo oo uu u arko midka ugu fiican dunida.

Emre ayaa yidhi “Qoys, Waa koox qoys ah dabcan, Waxaanan xaaladan ka dhex helay waxyaabo badan oo ay ka siman yihiin Liverpool halkaas oo xamaasada qolka labisku ay midan lamid tahay”

“Haa, Dabcan waan jeclahay Juventus, Shaqsiyadu waxa ay shaqaysaa in waxbadan ka yar wadajirka, Maaha wax meelkasta ka jira, Xulka qaranka dhexdiisa waxaan markasta la hadlaa ciyaartoyda kooxaha kale ee waaweyn waxaana ay ii sheegaan wax aad uga duwan”

“Ronaldo ayaa halkan jooga, Midka ugu fiican dunida laakiin gudaha qolka labiska waxa uu lamid yahay ciyaartoyda kale waxaana uu u dhaqmaa si caadi ah”

“Qofkasta waxa uu joogaa heer isku mid ah, Ma jirto wax mudnaan ahi, Waanu shaqaynaa kaddib kaftan ayaanu samaynaa, Tani waxa ay saamaysaa shaqada sababtoo ah waxaad galaysaa garoonka si aad markasta ugu tababarato dareenka saxda ah”