Ma Ogtahay In Kulanka Merseyside Derby Ee Liverpool v Everton Uu Ahaa Mid Dhinac Ka Raran Tan Iyo 2010? Halkan Kaga Boggo Faah-Faahinta Kulankaas Ee Kulamadii Ugu Dambeeyay.

Kooxaha magaalo xofaaltanku ka dhexeeyo ee Liverpool iyo Everton ayaa toddobaadkan ku balansan gegida Reds ee Anfield Road kulan ka tirsan toddobaadka 14-aad ee horyaalka Premier League.

Labadan kooxood oo kasoo wada jeeda magaalada Liverpool ayaa ah kuwo loolankoodu uu yahay mid hoos u dhac yari ku yimid tan iyo 2010 isla markaana ay xamaasadii kulanku yaraatay maadaama oo 8 sano ee ugu dambeeyay Toffees dhinacooda dhulka la dhigay.

Arrinta layaabka leh ayaa ah in Everton aysan wax guul ah ka gaadhin Liverpool 17-kii kulan ee ugu dambeeya oo kasoo bilaabmaysa 2010, Reds waxa ay guulo soo gaadheen 8 kulan halka 9-ka kulan ee kale bar-bardhac ay ku heshiiyeen labada dhinac.

Dhinaca kale, Rekoodhka kale ee foosha xun ee ay kooxda Marco Silva doonayso inay kulanka toddobaadkan iskaga reebto ayaa ah inay guushii ugu horreysay ku gaadhaan Anfileld tan iyo 1999.

Liverpool ayaa toddobaadkii hore kasoo adkaatay kooda Watford oo ay booqatay walow ay guuldaro kala soo laabatay Paris Saint-Germain kulankii Champions League ee Arbacadii, Dhinaca kale Everton ayaa guul 1-0 ah kasoo gaadhay kooxda Cardiff kulankii ugu dambeeyay.

Si kastaba ha ahaatee, Kulanka toddobaadkan ayaa lagu kala ogaan doonaa haddii Everton ay iska maydho ceebta kasoo haysatay natiijooyinka ay ka helaysay Liverpool kulamadii ugu dambeeyay.