Ma Noloshanaa Garoomada Inagu Sugaysa!! – Dani Carvajal Oo Sheegay Wax Aad U Fudud Oo Ku Adkaaday Ciyaartoyda Real Madrid Markay Tababarka Kusoo Laabteen

Daafaca midig ee kooxda Real Madrid ee Dani Carvajal ayaa shaaca ka qaaday sheeko xiiso leh oo la xidhiidha arrin qabsatay xiddigaha kooxdaas markii ay samaynayeen tababarkii ugu horreeyay ee tan iyo markii ay kasoo baxeen guryahooda ee ay yaraatay saamaynta xanuunka Korona.

Dabcan sida uu qiyaasan karo qofkasta oo kubadda cagta daawada, waxa jiri kara isbedelo la arko marka ay ciyaaruhu dib u bilaabmaan maadaama oo taam ahaanshaha jidh ahaaneed ee ciyaartoydu uusan sidii hore ahayn oo ay laba bilood guryo ku jireen.

Si lamid ah ciyaartoyda kale ee horyaalada waaweyn ee Yurub, xiddigaha Real Madrid ayaa laba bilood u xayirnaa sababta caabuqa Korona balse maalmo kahor ayay kusoo laabteen xerada tababarka ee Valdebebas si ay gaar gaar ugu tababartaan.

Arrinta cajiibka ah ee uu Carvajal sheegay ee lagu arkay xalqadoodii tababarka ee ugu horreysay ayaa ah in ay ciyaartoydu kubadda xakamayn (kaantarooli) kari waayeen maadaama oo aysan mudo ciyaarin.

Dani Carvajal oo Real Madrid TV u warramay ayaa yidhi “Anagu dhab ahaan waxaanu ku dhibtoonay inaanu xakamayno kubadda maalintii ugu horreysay ee aanu soo laabanay”

“Ugu dambaynta, marnaba si isku mid ah uguma tababaranaysid guriga sida aad ugu tababarato garoonka, laakiin waanu sii wadi doonaa inaanu sii fiicnaano”

Dhinaca kale Carvajal oo ka hadlaya in horyaalka Germany maanta dib loo bilaabayo ayaa yidhi “War wanaagsan ayuu u yahay ciyaaraha iyo dunida kubadda cagta, dhammaanteen waynu ku faraxsanahay inaynu aragno sida ay arrimuhu yihiin bilawga”

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook