Ma Jirto Sabab Looga Wer-Wero Bixitaanka David De Gea – Mid Kamida Goolhayayasha Ugu Fiican Dunida Oo Ku Riyoonaya Inuu Man United Usoo Wareego Xagaagan.

Jamaahiirta kooxda Manchester United ayaan qabi doonin wax dhibaato ah oo ay uga werweraan bixitaanka goolhayaha kooxdooda ee David De Gea maadaama oo uu kooxdooda ku fikirayo Jan Oblak oo ah shabaq waardiyeeyaha Atletico Madrid.

Heshiiska De Gea ayaa ah mid dhacaya dhammaadka xilli ciyaareedka dambe mana uusan muujin wax calaamado ah uu caddaynaya inuu heshiis kordhin u samayn doono Manchester.

De Gea ayaa soo ahaa ciyaartoyga ugu wanaagsan Man United tan iyo bixitaankii Sir Alex Ferguson balse xilli ciyaareedkan 2018-19 ayuu soo bandhigay bandhig musiibo ah oo qaladaad u saaxiib ah.

Marka laga yimaado qaladaadkaas DDG ayay wali sharaftiisu tahay mid halkeedii taagan waxaana lagu soo warramayaa in ay Paris Saint-Germain boos hore u joogto saxeexiisa.

Dhinaca kale Oblak ayay shaqsiyaad badani u arkaan goolhayaha ugu wanaagsan dunida haatan isaga oo taas kusoo muujiyay inuu saddexdii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay kulamada ugu badan shabaq nadiif ah kusoo baxay.

Atletico Madrid's Jan Oblak wants to move to Man Utd

Sida laga soo xigtay ESPN, Il ku dhaw xiddigan ayaa sheegaysa inuu xagaagan usoo dhaqaaqo Manchester United maadaama oo ay tahay kooxdiisii carruurnimo ee uu taageeraha usoo ahaan jiray.

Sidoo kale in Oblak uu kaliya 26 sano jir yahay ayaa heshiiska uu ku imanayo ka dhigi karta mid aad u wanaagsan maadaama oo ay adeeg ku dhawaad 10 sano ah ka heli karaan.

Oblak ayaa dhawaan uun heshiis kordhin u sameeyay kooxdiisa isaga oo qandaraaskiisa haatan ee ku eeg ilaa 2023 lagu jabin karo 120 Milyan.