Ma I Daawanaysaan Man United – Romelu Lukaku Oo AFARLEY Goolal Ah Ka Dhaliyay Kulankiisii Ugu Horreeyay Ee Inter Milan.

Weeraryahanka cusub ee kooxda Inter Milan ee Romelu Lukaku ayaa kooxdiisa cusub u ciyaaray kulankiisii ugu horreeyay isaga oo sidoo kale akoonkiisa goolasha ee kooxda isla kulankaas ku furtay.

Lukaku ayaa afarley goolal ah ka dhaliyay kulankaas oo ay la ciyaareen kooxda Virtus Bergamo oo ka tirsan heerka afraad (Serie D) ee horyaalka Talyaaniga xilli uu 26 jirkani raadinayo taam ahaansho buuxa kahor bilaabashada horyaalka Serie A.

Kulankaas oo ahaa mid ay Inter ku guuleysatay siddeed gool ayay afarta gool ee kale mid laba u kala dhaliyeen xiddigaha kala ah Matias Vecino iyo Esposito.

26 jirkan ayaan wax wakhti ciyaareed ah ka helin kooxdiisii hore ee Manchester United kulamadii ka horreeyay xilli ciyaareedka waana sababta ay Inter uga reebtay kulankii ay Valencia la yeelatay Sabtidii.

SIDOO KALE AKHRISO:  Kulamada Uu Eden Hazard Garoomada Ka Maqnaanayo Oo La Shaaciyay & Waqtiga Uu Dheeli Doono Kulankiisii Ugu Horeysay Ee La Liga

Kulankaas Valencia kadddib ayuu tababare Antonio Conte sheegay inay ku faraxsan yihiin imaatinka Lukaku balse uu u baahan yahay inuu shaqo adag qabto si uu sida ugu dhakhsaha badan ugu diyaar garoobo.

Lukaku ayaa u muuqda mid soo dhawayn diiran ka helay Inter Milan, Jamaahiiteeda iyo tababare Antonio Conte oo ahaa shaqsiga sida gaarka ah u dalbadayba waxaana lagu wareejiyay maaliyada No.9 ee uu Mauro Icardi xidhan jiray.

Nerazurri ayaa xilli ciyaareedkooda cusub ee horyaalka Serie A ku furan doona kooxda dhawaan uun soo dalacday ee Lecce oo ay San Siro ku qaabilayaan.