Ma Hubtaa Valverde? Tababaraha Barcelona Oo Dunida Kaga Yaabsaday Balanqaad Ka Weyn Midkii Uu Messi U Sameeyay Xilli Ciyaareedkii Hore Ee Fashilmay.

Tababaraha kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa sida caadada u ah kooxdiisa si toos ah uga hor hadlay jamaahiirta kooxda ee Camp Nou kasoo xaadira kahor kulankii ay xalay guusha ka gaadheen kooxda Arsenal.

Valverde ayaa khudbadaas uu u jeediyay jamaahiirta kooxdiisa wax badan kaga hadlay waxyaabaha wanaagsan ee xilli ciyaareedka cusub ee bilaabmi doona dhawaan iyo hammigooda cusub ee dhinaca koobabka.

Tababare Ernesto Valverde ayaa ugu horreynba dib u xasuustay xilli ciyaareedkii hore waxaana uu sheegay in xilli ciyaareedkii hore ay soo guuleysteen sidoo kalena soo guuldarraysteen.

Dhinaca kale tababaraha oo ka faaloonaya hammigooda xilli ciyaareedka cusub ayaa balanqaad weyn sheegay isaga oo xusay inay ku guuleysan doonaan dhammaan afarta koob ee ay ku jiri doonaan.

Valverde ayaa yidhi “Waxaanu samaynay xilli ciyaareed aanu guulaysanay oo aanu guuldaraysanay, Anagu markasta waxaanu doonaynaa inaanu guuleysano, Si aanu idinka (Jamaahiirta) idiin siino dhammaan guulaha”

“Xilli ciyaareedkii hore maanu garanayn sida loo samaynayo ama maanu samayn karayn, Laakiin waxaanu bilaabaynaa sanad kale haatana waxaanu ku guuleysanaynaa dhammaan tartamada marka ay May timaado, Waxaanu isku dayi doonaa inaanu ku guuleysano afarleyda, Idinka oo jamaahiirta ah ayaanu sidaas idinla samayn doonaa iyo ciyaartoydan, Visca Barca, Visca Catalunya”.

Xilli ciyaareedkii hore wakhtigan oo kale ayay ahayd markii uu Messi jamaahiirta u balanqaaday inay Camp Nou keeni doonaan UEFA Champions League balse aad loogu maadsaday markii ay ku hadheen wareegii afarta.